Mamdani oo ku guuleystay New York – Cunsuriyiinta Mareykanka oo laga adkaaday

Mamdani oo ku guuleystay New York - Cunsuriyiinta Mareykanka oo laga adkaaday
November 4, 2025

LATEST NEWS

Mamdani oo ku guuleystay New York – Cunsuriyiinta Mareykanka oo laga adkaaday

New York (Caasimada Online) – Zohran Mamdani ayaa loo doortay duqa magaalada ugu weyn Mareykanka ee New York City Talaadadii, taasoo soo gabagabeysay sare u kac lama filaan ah oo uu gaaray sharci-dejiyahan 34-jirka ah.

Guushan oo ahayd mid u soo hoyatay garabka bidixda fog ee xisbiga Dimoqraadiga, Mamdani wuxuu kaga adkaaday Guddoomiyihii hore ee gobolka New York Andrew Cuomo iyo Curtis Sliwa oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

Mamdani waa inuu hadda la tacaalaa baahiyaha aan dhammaadka lahayn ee magaalada ugu weyn Ameerika, ayna tahay inuu fuliyo ballanqaadyadii ololaha ee waaweynaa, kuwaasoo ay dadka dhaliilaa ku sifeeyeen kuwo aan dhab noqon karin.

Guushan, ayuu Mamdani oo ah hanti-wadaag dimoqraadi ah, wuxuu magaciisa kaga qori doona taariikhda isagoo noqonaya duqii ugu horreeyay ee Muslim ah ee magaalada, kii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Koonfurta Aasiya iyo kii ugu horreeyay ee ku dhasha Afrika – Wuxuu ku dhashay Uganda. Wuxuu sidoo kale noqon doonaa duqa ugu da’da yar ee magaalada soo mara muddo qarni ka badan marka uu xafiiska la wareego 1-da Janaayo.

Sare u kaca lama filaanka ah ee Mamdani waxay xoojineysaa aragtida Dimoqraadiyiinta ku boorrinayay xisbiga inuu soo bandhigo musharraxiin badan oo bidix fog ah, halkii la isugu tagi lahaa kuwa dhexdhexaadka ah iyadoo la rajeynayo in dib loo soo ceshado cod-bixiyayaasha is-bedbeddela ee xisbiga ka fogaaday.

Wuxuu durba la kulmay eedeymo kaga yimid Jamhuuriyiinta, oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump, kuwaasoo ku sifeeyay inuu yahay halis iyo wejiga waxa ay ku tilmaameen Xisbi Dimoqraadi oo xagjir ah. Hase yeeshee, dadka qaar ayaa eedeymahan u arkay Islaam naceyb lagu soo dhex-qariyey dhaliil siyaasadeed.

Tartankan wuxuu sababay soo bixitaankii ugu ballaarnaa ee cod-bixiyeyaal doorasho duq magaalo ah muddo ka badan 50 sano, iyadoo in ka badan 2 milyan oo reer New York ah ay codadkooda dhiibteen, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka ee magaalada.

Ololaha Mamdani ee shacabka ka dhex yimid wuxuu diiradda saarayay nolosha la awoodi karo, shakhsiyaddiisa soo jiidashada lehna waxay meesha ka saartay isku-daygii soo laabashada siyaasadeed ee Cuomo.

Guddoomiyihii hore, oo is-casilay afar sano ka hor kaddib eedeymo la xiriira faraxumeyn galmo oo uu weli dafirsan yahay, ayaa waxaa hareeyay mowqifyadiisii hore intii uu tartanku socday, waxaana lagu dhaliilay inuu waday olole diiradda saarayay dhaliisha.

Waxaa sidoo kale la is-weydiinayaa sida uu ula macaamili doono Trump, oo ku hanjabay inuu la wareegi doono magaalada, isla markaana xiri doono oo tarxiili doono Mamdani haddii uu guuleysto.

Mamdani wuxuu ku dhashay Uganda, halkaasoo uu ku qaatay carruurnimadiisii hore, balse wuxuu ku soo barbaaray magaalada New York City wuxuuna muwaadin Mareykan ah noqday sanadkii 2018.

Mamdani wuxuu ololihiisa ku bilaabay isagoo ah sharci-dejiye gobol oo aan si weyn loo aqoon, xitaa magaalada New York City gudaheeda.

Markii la galayay is-reeb-reebka xisbiga Dimoqraadiga, Cuomo ayaa loo arkayay inuu yahay kan ugu cadcad, isagoo caan ka ahaa isla markaana lahaa xiriiro siyaasadeed oo qoto dheer. Fursadaha Cuomo waxaa sii xoojiyay markii duqii xilka hayay ee Eric Adams uu ka haray tartanka isreeb-reebka, xilli uu la tacaalayay cawaaqibka kiis musuq-maasuq oo heer federaal ah, kaasoo markii dambe meesha laga saaray.

Laakiin intii uu tartanku socday, shakhsiyadda dabiiciga ah ee Mamdani, muuqaalladiisa baraha bulshada ee soo jiidashada leh iyo barnaamijkiisa dhaqaale ee shacabka ku wajahan ayaa kiciyay cod-bixiyayaasha magaaladaas oo caan ku ah nolosha qaaliga ah. Wuxuu sidoo kale bilaabay inuu soo jiito dareenka dadka dibadda ka jooga markii magaciisa la sii bartay.

Ugu dambeyn, Mamdani wuxuu isreeb-reebka kaga adkaaday Cuomo qiyaastii 13 dhibcood.

Guddoomiyihii hore wuxuu ololihiisa dib ugu soo laabtay isagoo ah musharax madax-bannaan doorashadii guud, wuxuuna ballanqaaday inuu la imaan doono hab firfircoon. Si kastaba ha ahaatee, inteeda badan ololihiisu wuxuu diiradda saarayay weerarka mucaaradkiisa. Marxaladdii ugu dambaysay ee tartanka, wuxuu ku andacooday in doorashada Mamdani ay keeni doonto in Yuhuuddu ay dareemaan ammaan-darro.

Dhanka kale, taageerayaal ayaa buux dhaafiyay isu-soo-baxyadii Mamdani, wuxuuna qabtay munaasabado madadaalo ah, oo ay ku jiraan tartan wax-raadsi ah iyo tartan kubadda cagta ah oo heer bulsho ah.

Cuomo wuxuu sidoo kale is barbardhigay khibraddiisa dheer ee dhanka dowladda iyo Mamdani oo wax ka yar shan sano ku jiray sharci-dejinta gobolka. Laakiin guddoomiyihii hore wuxuu isaguna wajahayay culeysyo siyaasadeed oo u gaar ah, iyadoo mucaaradkiisu ay dib u soo kiciyeen eedeymihii faraxumeynta galmo ee horseeday is-casilaadiisa, iyo sidoo kale go’aammadiisii xilliyadii hore ee intii uu socday cudurka COVID-19.

Sliwa, oo ah aasaasaha kooxda roondada dembiyada ee Guardian Angels, ayaa ku dhibtooday inuu taageero helo isagoo ah Jamhuuri ka tartamaya magaalo ay si weyn u maamulaan Dimoqraadiyiinta.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Minneapolis mayor’s race advances to ranked choice voting after no candidate reaches 50%

WardheerNews

The Invisible Walls of Scandinavia: Equality in Theory, Exclusion in Practice

Daawo: Dowlada oo Abaabul xoogleh ka wado Shabeellaha Hoose

Daawo: Dowlada oo Abaabul xoogleh ka wado Shabeellaha Hoose

Dynamic Country URL Go to Country Info Page