Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaaada Kampala ee caasimada dalka Uganda, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Yoweri Museven.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galaya caleema saarka Madaxweyne Yoweri Museveni oo mar kale kusoo baxay doorashada Uganda, taas oo dhaceysa berri oo Talaado ah ah, kuna beegan 12-ka May 2026.
Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda dalalka gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah oo lagu casuumay munaasabadda, isaga oo halkaas ka jeedin doono khudbad nuxurkeedu yahay hambalyo iyo bogaadin uu u dirayo madaxweynaha dib loo doortay ee Yoweri Museven.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa qorshuhu yahay inuu la kulmo madaxda sare ee dowladda Uganda iyo hoggaamiyeyaasha kale ee isugu tegaya Kampala, isaga oo kala hadli doono arrimo ku aadan xoojinta taageerada Soomaaliya,
Waa munaasabaddii labaad ee uu ka qayb-galayo Madaxweynuhu wuxuu maalin kahor tegay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambaleeyay Madaxweyne Geelle iyo shacabka dalka Jabuuti ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Jabuuti iyo Uganda ayaa kamid ah dalalka taageero Soomaaliya, kana caawiya dhanka ammaanka, maadaama ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo ka qayb-qaata howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Al-Shabaab.