Macallin Mahdi oo amar culus siiyay saraakiisha amniga Muqdisho + Sawirro

Macallin Mahdi oo amar culus siiyay saraakiisha amniga Muqdisho + Sawirro
October 30, 2025

LATEST NEWS

Macallin Mahdi oo amar culus siiyay saraakiisha amniga Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin aya xalay guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen saraakiisha Booliska ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladaha soo kordhay.

Kulankan oo ah todobaadle ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda, si looga hortego falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.

Macallin Mahadi ayaa ku amray saraakiisha inay laba jibaaraan shaqadooda, ayna gutaan waajibaadka ka saaran xasiloonida caasimada.

Sidoo kale wuxuu faray saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee ka howlgala amniga garoonka Stadium Muqdisho inay si adag u gutaan waajibaadkooda, isagoo si cad u amray in aan gudaha garoomada lagu soo gelin hub ama walxo amni-darro keeni kara, gaar ahaan ciyaarta kama dambaysta ah (finalka) ee lagu wado inay ka dhacdo Caasimadda.

Waxaa kale oo uu saraakiisha Booliska caasimada ku boorriyay inay shacabka si dhow ula shaqeeyaan, si loo xoojiyo amniga iyo wadajirta bulshada.

Kulankan looga hadlay amniga ayaa kusoo aadayo, xilli todobaadkan ay Al-Shabaab isku dayeen inay weerar arbushaad ah ka fuliyaan degmada Kaxda, kaas oo laga hortagay, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhex-maray labada dhinac.

Laamaha amniga ayaa intaas kadib qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo amniga, iyada oo howlgallo amni xaqiijin ah laga sameeyay daafaha caasimada.

Si kastaba, Muqdisho ayaa hadda xasiloon waxaana laga nastay qaraxyadii joogtada ahaa iyo dilalka qorsheysan ee ay inta badan Al-Shabaab ka fulin jireen degmooyinka gobolka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Eritrea oo ka digtay qorshaha 'Labada Biyood' ee uu Abiy Ahmed damacsan yahay

Eritrea oo ka jawaabtay hanjabaadii Abiy Ahmed iyo Afwerki oo gaaray Qaahira

WardheerNews

After decades of conflict, Somalia is rebuilding legal history

WardheerNews

Arta Conference: Somalia’s “golden era” collective memory includes a significant episode of regional solidarity

Dynamic Country URL Go to Country Info Page