Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba hakiyay bixinta mushaharka iyo raashinka ciidamadii ka howl-galayay gobollada Sool iyo Cayn.
Tani ayaa imanaysa kadib markii deegaanadaas ay ku dhawaaqeen maamul cusub oo madax-bannaan, kaasi oo lagu magacaabo Waqooyi Bari, isla markaan dhawaan si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay dhismihiisa.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in go’aankan uu ka dhashay caro ay qabto Puntland, kadib markii qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada ku sugnaa gobolladaasi ay taageereen maamulka cusub, isla markaana ay diideen inay qaataan amarro ka imanaya Garoowe.
Ciidamada laga joojiyay mushaharka waxaa ku jira kuwo ka amar qaadan jiray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Axmed Karaash, kaas oo door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidamadaasi ayaa dhowaan la kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, oo kasoo jeeda gobolka Sool, iyagoo ka dalbaday in dib loo bilaabo mushaharkooda iyo raashinkooda la hakiyay.
Waxay sheegeen in muddo saddex bilood ah aysan helin wax mushaar iyo raashin ah, ayna ka fiirsanayaan tallaabooyin ay qaadaan, oo ay ku jirto in ay dhigaan jidgooyooyin haddii aan laga jawaabin cabashadooda.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan maamulka Puntland uu sidoo kale joojiyay mushaarkii iyo adeegii ciidanka guutada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si dhow ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa xalay mushaar ka helay dowladda dhexe, iyagoo qeyb ka ahaa in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, iyadoo midkii uu helay lacag dhan $200.
Lacagtaas oo qeyb ka aheyd mushaarka ay bixiso dowladda dhexe ayaa lagu wareejiyay hab bangi ah, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in askartan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
Ciidamada lacagta la siiyay ayaa waxay u badan yihiin qaybaha PSF ee Boosaaso ku sugan iyo cutubyada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fariisimo ku leh magaalada Garoowe. Sidoo kale, ilo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamada federaalka ah ee jooga magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagtaas.
Bixinta lacagahan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay in ciidamo federaal ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.
 
								 
															 
															 
															 
															