Lacagta shilin Soomaaliga oo laga diiday qaybo kamid ah Muqdisho

Lacagta shilin Soomaaliga oo laga diiday qaybo kamid ah Muqdisho
April 13, 2026

LATEST NEWS

Lacagta shilin Soomaaliga oo laga diiday qaybo kamid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacstada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta joojiyay isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga, taas oo saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee inta badan ku adeegta kunka shilin.

Sida ogaatay Caasimada Online, kunka shilin oo ah lacagta kaliya ee kasoo hartay lacagihii uu dalku lahaa ayaa haatan laga diiday qaybo kamid ah caasimada, gaar ahaan suuqyada, iyadoo sababta lagu sheegay inay duugowday.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in saaka degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir laga diiday shilin Soomaaliga, isla markaana ay ku adeeganayaan dollar ama lacagaha lagu qaato taleefanada.

Sababta ay ganacsatada u diideen ayaa waxaa loo maleynayaa inay la xiriirto jeex-jeexa lacagaha shilin Soomaaliga oo muddo dheer aan dib loo soo cusbooneysiin, kadib markii ay ka gaabisay dowladda dhexe.

“Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa waxaa saaka laga diiday lacagtii kaashka ahayd ee kunka shiling oo Soomaali isticmaaleysay ayaantan lacagta waa ku shaqeysaneynay hadda wixii waa la diiday. Lacagta horta waa tacbaan iyada dhan ayaa jeex-jeexan, hase’ahaatee waxaan u arkaa in la suuli rabo oo meesha laga saarayo kunka” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku dartay in arrintan ay saameysay dadweynaha raaca gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, maadaama iyagana qaarkood ay diideen in lagu raaco lacagta shilinka Soomaaliga ah.

“Aniga degmada aan ku suganahay saaka waa laga diiday, gaadiidkana waa lamid warkaas waa isoo gaaray” ayuu sii raaciyay.

Horay ayaa kunka shilin waxaa looga diiday gobollada dhexe, iyada oo inta badan dadka ay isticmaalaan lacagaha lagu shubto taleefannada ama dollar.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

US military says it will blockade Iran’s ports as ship traffic appears to halt in Strait of Hormuz

Ciidankii Lafta-gareen oo u galay DF kadib ballanqaad weyn oo loo sameeyay

Ciidankii Lafta-gareen oo u galay DF kadib ballanqaad weyn oo loo sameeyay

WardheerNews

AU welcomes ceasefire in US-Israeli war on Iran, cites impact on African economies

Dynamic Country URL Go to Country Info Page