Jaamac oo digniin culus u diray xildhibaannada, kuna dhawaaqay tallaabo uu qaadayo

Guddoomiye Jaamac oo digniin kasoo saaray fara-gelin shisheeye oo uu sheegay in...
August 19, 2026

LATEST NEWS

Jaamac oo digniin culus u diray xildhibaannada, kuna dhawaaqay tallaabo uu qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa digniin adag u diray xildhibaannada sida joogtada ah uga maqnaada fadhiyada golaha.

Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in si buuxda loo dhaqan-gelin doono xeer-hoosaadka baarlamaanka, isagoo si cad u sheegay in aan la aqbali doonin hab-dhaqanka xildhibaannada qaarkood, kuwaas oo kulanka yimaada, is xaadiriya, kaddibna isaga baxa hoolka fadhiga, taasoo uu sheegay inay saameyn ku yeelatay shaqada iyo howlaha Golaha Shacabka.

“Xildhibaannada sabab la’aanta uga maqan kulamada Golaha xeer-hoosaadka ayaa lala tiigsan doonaa. Mana la aqbali doono xildhibaan inta uu yimaado, is xaadiriya, kaddibna iska baxa,” ayuu yiri Guddoomiye Jaamac.

Digniinta Guddoomiyaha ayaa kusoo beegmeysa xilli ay soo noq-noqdeen cabashooyinka la xiriira xaadiritaanka xildhibaannada iyo dib u dhaca ku yimaada fadhiyada Golaha Shacabka, kuwaas oo mararka qaar furmi waaya waqtigii loo qorsheeyay.

Jaamac ayaa sheegay in maalmahan qaar ka mid ah fadhiyada Golaha ay ku furmeen tiro ku dhow 140 xildhibaan, halka tirada guud ee Golaha Shacabka ay tahay 275 xildhibaan.

Tiradan ayaa ka dhigan in xildhibaanno badan aysan si joogto ah uga qeybgelin kulamada, taasoo caqabad ku noqon karta shaqada Golaha iyo ansixinta qodobbada u baahan kooram sharci ah.

Sida uu dhigayo xeerka baarlamaanka, fadhiyada Golaha Shacabka waxay u baahan yihiin kooram sharci ah, si doodaha, akhrinta iyo ansixinta sharciyada iyo go’aannada kale ay u noqdaan kuwo waafaqsan nidaamka baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada ku boorriyay inay si buuxda uga qeyb qaataan shaqada golaha, isagoo xusay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah ee la xiriira sharci dejinta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la diyaariyay xeerar lagu nidaaminayo xaadiritaanka, maqnaanshaha iyo anshaxa xildhibaannada, kuwaas oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo habsami u socodka shaqada Golaha Shacabka.

“Waxaa saacaddaan laga bilaabo farayaa xoghayaha inuu digniinta u gudbiyo qof walba oo aan imaan waqtiga xeer-hoosaadku oggol yahay,” ayuu yiri Jaamac.

Si kastaba, Guddoomiyaha ayaa sheegay in la tixgelin doono duruufaha bani’aadamnimada ee xildhibaannada, isagoo tilmaamay in qofka qaba xaalad caafimaad, safar ama sabab kale oo la aqbali karo uu heli karo fasax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaan aan haysan fasax rasmi ah oo ka maqnaada fadhiyada ama dib uga soo xaadira waqtigii loo asteeyay uu wajihi doono digniin iyo tallaabo waafaqsan xeer-hoosaadka golaha.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Golaha Shacabka ay horyaallaan arrimo siyaasadeed iyo sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin sharciyada la xiriira doorashooyinka, amniga iyo dib u habeynta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Golaha ayaa la filayaa inuu ka shaqeeyo ajandayaal kale oo masiiri ah oo u baahan ka qeybgal buuxa oo ay sameeyaan xildhibaannada, maadaama go’aannada qaarkood ay saameyn ku yeelan karaan jihada siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay xildhibaannada inay si joogto ah uga qeybqaataan kulamada holaha, si baarlamaanka uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, isla markaana uu si hufan ugu shaqeeyo matalaadda shacabka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

No Government Claims the Air Strike on the Nugaal Coast - Somali News in English

No Government Claims the Air Strike on the Nugaal Coast – Somali News in English

WardheerNews

Turkish Warship Reportedly Strikes Men Returning from Hijacked Lutuf

The Biyomaal Seize the Equipment Measuring Their Land - Somali News in English

The Biyomaal Seize the Equipment Measuring Their Land – Somali News in English

Dynamic Country URL Go to Country Info Page