Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa galabta kulan miro-dhal ah la qaatay sii-hayaha safiirka xilka kasii degaya ee Mareykanka, Mudane Justin Davis, iyo sii-hayaha cusub ee Safaaradda Mareykanka, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo xasaasi oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo sii wadi lahaa wada-shaqeynta labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda kusoo qaaday arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga hay’adaha sharci-dejinta ee labada waddan.
Guddoomiye Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinaca baarlamaannada, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sii-hayaha safiirka xilka kasii degaya ee Mareykanka, Mudane Justin Davis, uga mahadceliyey adeeggiisii iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka muddadii uu xilka hayay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si diirran u soo dhaweeyey sii-hayaha cusub ee safaaradda Mareykanka, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, isaga oo u rajeeyey in muddada ay xilka hayso ay sii ambaqaaddo dadaallada lagu horumarinayo xiriirka labada dal.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-hadallada iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo la eegayo danaha labada dhinac iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan sii wadidda iskaashiga Muqdisho iyo Washington, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo xiriirka baarlamaannada.
Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in xiriirka labada dal loo sii horumariyo, laguna saleeyo iskaashi iyo danaha labada dhinac.