Iiraan oo dil toogasho ah ku fulisay nin ajnabi ah oo lagu helay…

Iiraan oo dil toogasho ah ku fulisay nin ajnabi ah oo lagu helay...
August 20, 2026

LATEST NEWS

Iiraan oo dil toogasho ah ku fulisay nin ajnabi ah oo lagu helay…

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay fulisay xukun dil ah oo lagu riday nin ay ku sheegtay muwaadin ajnabi ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa dibadbaxyo rabshado wata oo bishii Janaayo ka dhacay magaalada Isfahan.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ghaem Hosseini oo sidoo kale loo yaqaanay “Arian”, waxaana dowladda Iiraan ay ku eedeysay inuu ku lug lahaa falal ay ku sheegtay inay khatar ku yihiin amniga qaranka iyo nabadgelyada guud.

Hay’adda wararka Tasnim oo xiriir dhow la leh dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Hosseini lagu helay dambiyo la xiriira rabshadihii ka dhacay magaalada Isfahan, iyadoo garsoorka dalka uu sheegay in ninkaasi ahaa “muwaadin ajnabi ah”, balse lama shaacin dalkii uu u dhashay.

Sida lagu sheegay warbixinnada rasmiga ah, dacwadda lagu soo oogay Hosseini waxay la xiriirtay “ku lug lahaanshaha dembiga ka dhacay Fagaaraha Alikhani ee Isfahan”, halkaas oo ay ka dhaceen dibadbaxyo iyo iska horimaadyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka.

Eedaha loo jeediyay waxaa sidoo kale ka mid ahaa hub la bixid iyo cabsi gelin, abuurista amni-darro guud iyo mid baahsan iyo falal ay dowladda ku tilmaantay kuwo ka dhan ah badqabka jireed ee dadka iyo amniga qaranka.

Ghaem Hosseini ayaa sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, lagu eedeeyay inuu door ku lahaa dilka afar askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska Iiraan. Wakaaladda wararka Mizan ayaa xustay in intii uu socday baaritaanka uu qirtay inuu joogay mudaaharaadyadii ka dhacay Fagaaraha Alikhani, isla markaana uu watay hub.

Xukunka dilka ah ayaa la fuliyay kaddib markii kiiska Hosseini uu soo maray nidaamka maxkamadaha Iiraan. Maxkamadda Sare ee dalka ayaa dib u eegtay kiiska kaddib markii racfaan laga qaatay xukunka, balse ugu dambeyn waxay ansixisay go’aankii maxkamadda hoose.

Hosseini ma ahayn qofka keliya ee kiiskan lala xiriiriyay. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Abolfazl Sepahi, Amir Hossein Safari, Erfan Esfandiari iyo Gol Mohammad Mohammadi horay loogu fuliyay xukuno dil ah oo la xiriira isla kiiska.

Sidoo kale, Shervin Bagherian, Amir Hossein Maleki iyo Alireza Sepahi ayaa lagu helay dambiyo la xiriira dhacdooyinkii ka dhacay Fagaaraha Alikhani, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Dowladda Iiraan ayaa dhacdooyinkaas ku tilmaantay falal rabshado wata oo khatar ku ahaa amniga, halka dhinacyada kale ay muddo dheer dhaliil ka muujinayeen sida dowladda Iiraan ula dhaqanto dadka lagu soo eedeeyo inay ku lug leeyihiin dibadbaxyada.

Fulinta xukunka Ghaem Hosseini ayaa ku soo beegmaysa xilli si weyn loo kordhiyay fulinta xukunnada dilka ah ee Iiraan, gaar ahaan kaddib markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil 28-kii Febraayo.

Garsoorka Iiraan ayaa tan iyo markaas xukunno dil ah ku fuliyay tobannaan qof oo lagu soo oogay eedo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin basaasnimo iyo la-shaqeynta Mareykanka ama Israa’iil.

Waxaa sidoo kale xukunno dil ah lagu fuliyay qaar ka mid ah dadka lagu xiray dibadbaxyadii ka dhacay qeybo badan oo dalka ah bishii December, iyadoo dowladda ay sheegtay in dadkaasi ku lug lahaayeen falal amni-darro iyo rabshado.

Xukunka lagu fuliyay Ghaem Hosseini ayaa mar kale soo jiitay dareenka ku aaddan sida Iiraan ula macaamisho dadka lagu eedeeyo dambiyada amniga qaranka, gaar ahaan kuwa lala xiriiriyo dibadbaxyada.

Dowladda ayaa ku adkeysanaysa in kiisaska noocan ah loo maray hannaan maxkamadeed, halka dhaleeceeyayaashu ay walaac ka muujiyaan adeegsiga xukunka dilka ee kiisaska siyaasadeed iyo kuwa la xiriira mudaharaadyada.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Somali Federal Lawmaker Vows to Follow the Will of the Somaliland People Over Somali Unity

Mogadishu Counts Laftagareen's Dead as Al-Shabaab - Somali News in English

Mogadishu Counts Laftagareen’s Dead as Al-Shabaab – Somali News in English

WardheerNews

Somalia Mourns After Brothers and a Child Die in Separate Incidents

Dynamic Country URL Go to Country Info Page