Sanca (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdul-Malik Al-Xuuthi, ayaa si kulul u beeniyay eedeyn ah in kooxdiisu ay diyaarad drone ah ku weerartay magaalada barakeysan ee Maka ee dalka Sacuudiga.
Al-Xuuthi ayaa sheegay in warkaasi uu yahay “been weyn”, isagoo ku adkeystay in Xuutiyiintu ay ka go’an tahay ilaalinta goobaha barakeysan ee Islaamka, halkii ay bartilmaameed ka dhigan lahaayeen.
Khudbad laga sii daayay telefishinka ayuu ku sheegay in khatarta dhabta ah ee ku wajahan Maka iyo goobaha kale ee barakeysan ay ka imaneyso Israel, oo uu ku tilmaamay “cadowga Sahyuuniyadda”.
“Khatarta dhabta ah waa cadowga Sahyuuniyadda, kaas oo doonaya inuu bartilmaameedsado dhammaan goobaha barakeysan ee Islaamka, oo ay ku jiraan Maka, Madiina iyo Masjidka Al-Aqsa,” ayuu yiri Al-Xuuthi.
“Waxaan diyaar u nahay inaan kaga hortagno annagoo ah isbahaysi Islaami ah,” ayuu raaciyay.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa sidoo kale ku eedeeyay Sacuudiga inuu faafinayo sheegashada ku saabsan weerarka Maka si taageero loogu helo tallaabooyinka militari ee ka dhanka ah Yemen.
Hadalkan ayaa imanaya xilli dagaalka Yemen uu galay marxalad cusub, iyadoo Xuutiyiintu ay maalmihii la soo dhaafay qabsadeen dhul ballaaran oo xeebaha Yemen ah, gaar ahaan aagga ku dhow marin-biyoodka Bab Al-Mandab.
Marin-biyoodkan ayaa ka mid ah jidadka ugu muhiimsan ee ganacsiga iyo shidaalka caalamka, wuxuuna isku xiraa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale lagu eedeeyay weerarro lagu qaaday dhuumaha shidaalka East-West Pipeline ee gudaha Sacuudiga, kuwaas oo qaada qayb muhiim ah oo ka mid ah shidaalka boqortooyada.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Sacuudiga ay u baahan karto muddo shan ilaa lix toddobaad ah si ay si buuxda ugu dayactirto khasaaraha ka dhashay weerar drone ah oo lagu qaaday dhuumahaasi.
Qiimaha shidaalka caalamka ayaa horey sare ugu kacay kadib markii weerar degdeg ah oo ay Xuutiyiintu qaadeen uu kooxda u suurtageliyay inay gacanta ku dhigto qeybo muhiim ah oo ka tirsan xeebaha Yemen ee Bab Al-Mandab.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in howlgaladooda militari ay yihiin jawaab ay ka bixinayaan weerarro uu Sacuudiga ka fuliyay Yemen, oo uu ku jiro weerar drone ah oo lagu qaaday magaalada caasimadda ah ee Sanca.
“Mar kasta, dhinaca kale ayaa ahaa kan bilaaba gardarrada,” ayuu yiri Al-Xuuthi.
“Annagu waxaan ku jirnaa xaalad is-difaac ah. Ma nihin kuwa bilaaba weerarka,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dagaallada cusub ayaa sidoo kale sii kordhiyay xaaladda bani’aadannimo ee Yemen.
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 112,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhawaad 3,000 oo qof oo ka soo qaxay deegaannada ku dhow Gacanka Cadmeed ay badda uga gudbeen dalka deriska ah ee Jabuuti.
Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa isku diyaarinaya inay qaabilaan illaa 10,000 oo qaxooti ah, iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka digayaan in qulqulka dadkaasi uu cadaadis dheeraad ah saarayo adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo gargaarka bani’aadannimo ee dalka.
Tirada cusub ee barakacayaasha ayaa muujineysa koror weyn marka loo eego bilowgii bishan, xilligaas oo IOM ay sheegtay in in ka badan 100,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen tan iyo markii dagaalladu dib u qarxeen.