Golaha Aqalka Sare oo u yeeray wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha kadibna…

Golaha Aqalka Sare oo u yeeray wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha kadibna...
September 15, 2026

LATEST NEWS

Golaha Aqalka Sare oo u yeeray wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha kadibna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS.

Mas’uuliyiinta wasaaradda waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdulqaadir Maxamed Cali, waxaana kulanka ka qeyb-galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isla-xisaabtan iyo xog-wareysi ku saabsan hannaanka shaqo ee wasaaradda, iyadoo wasiirka si gaar ah wax looga weydiiyay qorshe-hawleedka wasaaradda iyo howlaha ay waddo.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale wasiirka su’aalo ka weydiiyay horumarinta ciyaaraha dalka, dhismaha iyo dayactirka garoomada isboortiga, iyo xiriirka wasaaradda iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay xubnaha guddigu hor-dhigeen, isagoo si faahfaahsan uga hadlay howlaha iyo qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda.

Cabdulqaadir Maxamed Cali ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta wasaaraddu ku leedahay horumarinta ciyaaraha dalka, kobcinta iyo kor u qaadista xirfadaha dhallinyarada, iyo abuurista fursado ay dhallinyaradu ku horumarin karaan kartidooda iyo hal-abuurkooda.

Guddoomiyaha guddiga, Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo shir guddoomiyay kulanka ayaa wasiirka uga mahadceliyay sida hufan, faahfaahsan oo togan ee uu uga jawaabay su’aalihii la hor-dhigay.

Wuxuu sheegay in kulanku uu qayb muhiim ah ka yahay xoojinta isla-xisaabtanka, korjoogteynta iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda, iyo adkeynta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Dynamic Country URL Go to Country Info Page