Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabada DF kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir?

Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabada DF kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir?
November 8, 2025

LATEST NEWS

Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabada DF kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay tallaabo ay xalay qaaday dowladda Soomaaliya, kadib markii ay isbeddal ku sameysay maamulka Isbitaalka Banaadir, sababo la xiriira gabadhii la dayacay ee ku hor u mushay isbitaalka, falkaas oo aad looga xumaaday, sidoo kalena dhaliyay caro xooggan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo wareegto soo saaray ayaa xilka ka qaaday agaasimihii Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, Drs Fartuun Shariif, isaga oo u magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali, si uu usii wado shaqada.

Tallaabadan ayuu wasiirku qaaday isagoo ka jawaabaya mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isla markaana garwaaqsan baahida loo qabo isbeddel deg-deg ah oo dhanka maamulka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale agaasimaha cusub faray inuu waajibaadkiisa u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo deg-deg ah oo bani’aadannimo ku dhisan.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada DF kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir?

Cabdi Daahir “Kuma filna in xil laga qaado qof dhacdadaan, waa in dad loo soo xiraa arrintaan”.

Maxamed Jeelle “Hadda hawada maa lagu cunay qoftii laheyd tahliil maan dadka ku daaweynaa?”.

Cabdullahi Khaliif “Kuma filna xilka qaadis ee dayacii dhacay iyo ilmihii ku horsaqiiray isbitaalka waan in cidii masuuliyadaas lahayd maxkamad ha loo soo taago waxaan wax la aqbali karo maaha”.

Maryama Maxamuud “Shaqo wacan ayaad qabateyn Agaasimaha cusubna waxaan u rajeynayaa in uu wax badan ka bedeli doona howlaha cisbitaalka”.

Ibnu Cabdinaasir “Xil ka qaadis lama rabo maxkamad hala soo istaajiyo teamkii habeenkaas shaqada lahaa iyo agaasimihi hore”.

Maxamed Soomaali “shaqa wacan! Waa ku mahadsantahay wasaaradu talaabada ay qaaday. Intaas yaan lagu ekaan case kaas iyo meesha dayaacaadduba ka timina ilaa heer maxkamadeed hala gaarsiiyo”.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

European Union vessel reaches ship raided by pirates off Somalia; all 24 crew on board safe

European Union vessel reaches ship raided by pirates off Somalia; all 24 crew on board safe

Oday si arxan darro ah loogu dilay kadibna lagu gubay...

Oday si arxan darro ah loogu dilay kadibna lagu gubay…

WardheerNews

Terrible living conditions in Hargeisa camps for drought-displaced pastoralists from eastern Somaliland

Dynamic Country URL Go to Country Info Page