Xudur (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay wareegto dib-u-magacaabis loogu sameeyay hoggaanka maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur.
Go’aankan ayaa lagu sheegay in uu yimid kadib markii wasaaraddu ay qiimeyn ku sameysay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolka Bakool iyo degmada Xudur.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in ay wadatashiyo la sameysay mas’uuliyiin sare oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, si loo helo maamul wax ka qaban kara xaaladaha jira, isla markaana dardar geliya adeegyada dowladda iyo amniga deegaannadaas.
Xubnaha dib loogu magacaabay maamulka Gobolka Bakool ayaa kala ah: Maxamed Axmed Maxamed oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Aadan Cabdi Abaarey oo noqday Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Cali Isaak Cali oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda, iyo Maxamed Cusmaan Xasan oo noqday Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada.
Wareegtadan oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa si rasmi ah u dhaqan-gashay laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 25-ka Maarso 2026, sida ku cad qoraalka wasaaradda.
Dhanka kale, wareegtada ayaa sidoo kale lagu shaaciyay dib-u-magacaabista maamulka degmada Xudur, kuwaas oo iyaguna dib loogu magacaabay xilalkii ay hore u hayeen.
Mas’uuliyiinta dib loogu magacaabay Degmada Xudur ayaa kala ah: Maxamed Macallin Axmed oo ah Guddoomiyaha degmada Xudur ahna Duqa Magaalada, Mustaf Aadan Aadan oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Humow Mursal Xasan oo ah Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, iyo Cabdifaatax Maxamed Cabdi oo ah Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Xudur.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan xubnaha Golaha deegaanka degmada Xudur ay sii wadanayaan shaqadooda, isla markaana ay sidoodii hore u howl-galayaan ilaa laga soo dooranayo xubno cusub oo ku yimaada nidaamka doorashada qof iyo cod.
Dib u magacaabistan ayaa imaneysa saacado kadib markii guddoomiyihii maamulka gobolka Bakool ee Koonfur Galbed, Maxamed Axmed Maxamed uu ku dhawaaqay inuu beddelay mowqifkiisii la shaqeynta madaxweyne Lafta-gareen, isagoo toos ula saftay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Axmed Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inuu u tanaasulay shacabka oo wajahaya abaaro iyo xaalado adag, isla markaana uu go’aansaday inuu la shaqeeyo Dowladda Federaalka.
Arrintan ayaa timid, kadib dadaallo ay sameeyeen xubnaha dowladda ee ku sugan gobolka, kuwaas oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maamulka Lafta-gareen ka wada gobollad Baay iyo Bakool.
Horay maamulka degmada Xudur ayaa si toos ah ula saftay dowladda, waxaana haatan degmadaas ku sugan mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka iyo ciidamo loo diyaarinayo inay ka howl-galaan halkaasi.