Dowladda oo ciidamo ku daabuleysa Baydhaba iyo weerar culus oo la qorsheeyey

Dowladda oo ciidamo ku daabuleysa Baydhaba iyo weerar culus oo la qorsheeyey
September 9, 2026

LATEST NEWS

Dowladda oo ciidamo ku daabuleysa Baydhaba iyo weerar culus oo la qorsheeyey

Baydhaba (Caasimada Online) — Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in halkaasi lagu abaabulayo ciidamo cusub oo la filayo in la geeyo magaalada Baydhaba, si ay uga qayb qaataan hawlgal lagula dagaalamayo ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in go’aankan uu ka dhashay wada-hadal ay xalay khadka telefoonka ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka faray in loo dhaqaaqo hawlgal dagaalka looga fogeynayo, laguna xasillinayo magaalada Baydhaba.

Aadan Madoobe ayaa la aaminsan yahay in uu walaac xooggan ka qabo joogitaanka ciidamada diidan jiritaanka maamulkiisa, kuwaas oo si firfircoon uga hawlgala hareeraha magaalada uu ku shaqeeyo.

Aadan Madoobe ayaa la sheegayaa in uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda u sheegay in mucaaradka uu Laftagareen hoggaamiyo aysan diyaar u ahayn wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed oo lagu joojinayo weerarrada ay ciidamada taageersan Laftagareen iyo Al-Shabaab ku hayaan Baydhaba, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in loogu tago goobaha ay iska soo abaabulaan.

Baydhaba ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wajahaysay xaalad amni oo sii xumaanaysa, iyadoo dagaallo iyo iska horimaadyo soo noqnoqday ay ka dhacayeen duleedka iyo waddooyinka soo gala magaalada.

Xiisadda ayaa sare u kacday markii ciidamada mucaaradka hubeysan ay dhowr jeer isku dayeen inay cadaadis militari saaraan maamulka Aadan Madoobe, halka ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay xoojiyeen difaacyada magaalada.

Xaaladda ayaa sidoo kale abuurtay cabsi laga qabo in dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac uu isu beddelo dagaal muddo dheer ka socda Baydhaba iyo deegaannada ku hareeraysan, iyadoo dhinacyadu ay weli isku hayaan cidda sharciyadda u leh hoggaanka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe, oo 22-kii bishii August shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Baydhaba, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in saraakiil hore uga tirsanaa dowladda ay maanta iskaashi la leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Wuxuu askarta iyo dhallinyarada u dagaallamaysa Laftagareen ugu baaqay inay dadkooda u soo laabtaan, isagoo sheegay in haddii ay ka dhega-adaygaan ay dantu keeni doonto in lagu weeraro meelaha ay joogaan.

War 31-kii bishii August ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhaba ayaa garabka mucaaradka hubeysan ee Laftagareen loogu baaqay in wada-hadal iyo is-afgarad lagu dhammeeyo wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay.

Ciidamada mucaaradka ayaa Khamiistii, oo 3-da September ku beegnayd, weerar xooggan ku qaaday magaalada Baydhaba, inkastoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Maamulka Aadan Madoobe ay ka hortageen inay si qoto dheer ugu soo fidaan gudaha magaalada.

Weerarkan ayaa loo fasirtay in Laftagareen, saraakiisha iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ay isku aragtida yihiin ay xalka u arkaan waddo aan wada-hadal ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, qorshuhu wuxuu yahay in cutubyada ciidamada ee loo wado Baydhaba ay kuwa horey fariisimaha ugu lahaa bannaanka magaalada iska kaashadaan hawlgal dagaalka looga fogeynayo magaaladaasi.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Dynamic Country URL Go to Country Info Page