Dowladda oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan banaanbaxa mucaaradka

Xogta howlga culus oo lagu beegsaday guri ku yaalla Kaaraan
June 3, 2026

LATEST NEWS

Dowladda oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan banaanbaxa mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa caddeeyay mowqifka dowladda ee ku aadan dibadbaxa la filayo in berri mucaaradka ay ku qabtaan magaalada Muqdisho.

Yabooh ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ogoshahay mudarahaadka, balse loo qorsheeyay saddex goobood oo aan la shaacin magacyadooda, kuwaas oo uu tilmaamay in mucaaradka ay kula hadli karaan taageerayaashooda.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in aan hub la ogoleyn, isla markaana dowladda ay iyadu xaqiijineyso amniga madaxdii hore iyo shacabka soo banaanbaxayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda banaanbaxa ma diidin waana ogoshahay waa la cayimay goobaha ay isugu tegi karaan waa saddex meelood haddaba meelahaas lagu banaanbaxaayo ayaa la rabaa in nimanka mucaaradka ay tagaan oo bulshada usoo baxdana ay kula hadlaan,” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Banaanbax hub laga daba sito oo qoryo lagu waardiyeynaayo ma banaanbaxaa? waa fowdo sideedaba hana ogolaanina”.

Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka dalka oo uu tilmaamay in sidii loogu talagalay ay u socdaan, isaga oo tusaale usoo qaatay doorashada Koonfur Galbeed ee loo ballansan yahay 10-ka bishan Juun.

“Dalkan waa socday doorasho ayuu u dhaqaaqay qof iyo cod ah waa aragteen bisha 10-keeda ayaa Baydhaba lagu ballansan yahay magaalooyinka kalena waa la socdaa,” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan mucaaradka ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Muqdisho, iyaga oo isku kala qaybiyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciiidan.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Wakiilka Somaliland ee Yemen oo lagu xiray Sanca kadib heshiiska Israa’iil

Wakiilka Somaliland ee Yemen oo lagu xiray Sanca kadib heshiiska Israa’iil

WardheerNews

Growing Israeli Interest in Somaliland

Mareykanka iyo Qatar oo billaabay tallaabo ay Iiraan ku heleyso balaayiin dollar

Mareykanka iyo Qatar oo billaabay tallaabo ay Iiraan ku heleyso balaayiin dollar

Dynamic Country URL Go to Country Info Page