Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada madaxtooyada Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga Dalka ayaa maanta weerar ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
Ciidanka ayaa howlgalkan ku dilay ku dhawaad 10 dhagarqabe, iyada oo sidoo kale lagu burburiyey goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen xubnaha Al-Shabaab.
Deeganaada Ceel-lahelay, Dhaban-Dhulkuheys, Ceel-goobaay iyo Kordheer ayay ciidamadu ka xoreeyeen Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagu khaarijyay ugu yaraan 7 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Xaaladda deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa hadda deggan, waxaana weli howlgallo ka wada ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan jabka culus lagu gaarsiiyay ee ka dhacay gobolka Galgaduud.
Gobollada Dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka oo iyana ku sugan gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Ujeedka ugu wayn ee howlgalladan ayaa ah kuwa lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyada oo ay barbar socdaan duqeymo lagu cuuryaaminayo awoodda kooxda.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyada oo dhanka kale ay taagan yihiin daruufo ka dhashay is faham-waag hannaanka doorashooyinka, iyo xaalado abaareed oo ay sababeen abaaraha ka jira dalka.