Cali Cosoble oo weerar culus ku qaaday Sanbaloolshe iyo Dabageed

Cali Cosoble oo weerar culus ku qaaday Sanbaloolshe iyo Dabageed
September 19, 2026

LATEST NEWS

Cali Cosoble oo weerar culus ku qaaday Sanbaloolshe iyo Dabageed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo maanta ka qayb-galay kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha sare ee siyaasadda beesha Xawaadle ayaa si kulul uga hadlay arrimaha kasoo kordhay maamulkaas, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Cali Cosoble ayaa marka hore weerar culus ku qaaday Sanbaloolshe iyo Yuusuf Dabageed oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada Beledweyne, kadib markii ay ka caroodeen go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan kaarka musharraxnimada ee JSP siiyay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Waxa uu tilmaamay in Xasan Sheekh uu horay Sanbaloolshe ugu magacaabay xilal kala duwan, balse uusan qaban wax muuqda, isaga oo intaas ku daray in markii uu waayay xilkiisa uu hadda soo kicinayo beesha Xawaadle.

“Aniga madaxweyne Xasan Sheekh farriin ayaan u dirayaa madaxweyne waa na dulmisay intaas oo jeer ayaa Sanbloolshe ciddan dusha ka saartay wax uu qabtayna haba yaraatee ma jirto mar dambe yaysan dhicin in uu Sanbaloolshe soo galgasho oo haddane aad tiraahdo hala soo dhaweeyo,” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay “Haddii uu yiri markaan naso waali inuu ka shaqeeyo oo uu yiraahdo Xawaadlow soo kaca dagaalka gala waxaas waxay u egtahay nin wax weliba anaa raba leh”.

Dhanka kale, waxa uu eedeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed oo isna ku sugan magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in markii horeba xilka uu ku helay nasiib iyo calaf, wuxuuna ugu baaqay inuu samir muujiyo.

“Dabageedow jaranjarada aad fuushay markii horeba jaranjaro aad toos u gaari karto ma ahayn, laakiin Ilaah ayaa ku calfay aqoon kuma aadan gaarin, haddii aad calafkii weyday inaad samirto ayaa loo baahan yahay,” ayuu ku yiri Yuusuf Dabageed.

Ugu dambeyn, wuxuu farriin u diray taliyaha qaybta 27-aad ee Xoogga Dalka, isaga oo ugu baaqay inuu gacan bir ah ku qabto amniga, kana hortego cid kasta oo fowdo ka abuurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Aniga oo ku hadlaayo magaca golaha sare ee siyaasadda beesha Xawaadle waxaan raba in aan taliyaha qaybta 27-aad Cali Cagay u sheego inuu yahay mas’uulka amniga ee gobolka sidaas daraadeedna gobolkaas qof fowdo ka kicinayo inuu haba yaraatee aqbalin,” ayuu mar kale yiri Cali Cosoble.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay qaabka loo wajahayo doorashooyinka kusoo foodka leh maamulkaasi, iyada oo haatan khilaaf horleh laga dareemayo magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Dynamic Country URL Go to Country Info Page