Cabdi Qaybdiid oo hanjabaad culus diray kahor 4-ta June

Cabdi Qaybdiid oo hanjabaad culus diray kahor 4-ta June
May 23, 2026

LATEST NEWS

Cabdi Qaybdiid oo hanjabaad culus diray kahor 4-ta June

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Cabdi Qaydiid oo ku jira safka mucaaradka ayaa ka hadlay abaabulka dibadbaxa loo ballansanyahay 4-ta June, isaga oo ku hanjabay inay ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo xagooda ay usoo qaado dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday weerarkii 10-kii May ay gurigiisa ku qaadeen ciidanka dowladda, xilli halkaas ay ku sugnaayeen isaga iyo qaar kamid ah musharixiinta mucaaradka, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu beegsaday, balse xilligaas ku talagalkooda aanu ahayn dagaal, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh gurigeyga sharci darro ayuu ku soo weeraray ee bal 4-ta June ciidan ha keeno waa la balansanyahaye,” ayuu yiri Senator Cabdi Qaybdiid.

Dhanka kale, wuxuu weerarka afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka dalbaday inuu talada soo dhigo dhexda, si loo soo afjaro xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka.

“Madaxweynuhu mas’uul kama dalka marbuu ka ahaa maanta talo ayuu leeyahay muddo afar sano ah ayaa la siiyay waa dhamaatay inuu odey Soomaaliyed noqdo ayaa waajib ku ah,” ayuu mar kae yiri Senatorku.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa ku doodayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay Madaxweyne hore oo lamid ah madaxdii dalka soo martay, sida ay hadalka u dhigeen.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo weli la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuutka kumeel gaarka ah.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

FBI oo hab yaab leh u qabatay Soomaali baxsad ka ahaa kiiska Minnesota

FBI oo hab yaab leh u qabatay Soomaali baxsad ka ahaa kiiska Minnesota

WardheerNews

Ethiopia, Djibouti advance oil and gas corridor talks as regional energy logistics push accelerate

WardheerNews

Trump administration to force foreigners in the US to apply for a green card abroad

Dynamic Country URL Go to Country Info Page