Baarlamaanka oo cod aqlabiyad-leh ku ansixiyay Dastuurka Dalka

Baarlamaanka oo cod aqlabiyad-leh ku ansixiyay Dastuurka Dalka
March 4, 2026

LATEST NEWS

Baarlamaanka oo cod aqlabiyad-leh ku ansixiyay Dastuurka Dalka

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa goordhow go’aan rasmi ah ka gaaray Dastuurka kumeel gaarka ah, xilli ay weli diidan yihiin Jubaland, Puntland iyo mucaaradka dalka.

Kooramka Xildhibaannada ayaa ahaa 186 Mudane oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah, kuwaas oo cod aqlabiyad-leh ku meel-mariyay cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama lagu sameeyay wax ka beddal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 36 Senator oo hoolka joogtay iyo Senator maqan uu Online ku codeeyay, halka 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ahna ay haa ku wada codeeyeen.

Sidoo kale, wuxuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe codeynta kadib yiri “Dastuurka dalka sidaas ayuu ansax ku yahay Mashaa Allaah”.

Tallaabada uu maanta qaaday Baarlamaanka ayaa ah guul wayn oo usoo hoyatay Villa Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaal xooggan geliyay dhammeystirka Dastuurka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxay arrintan guul darro ku tahay Golaha Mustaqbalka oo iyagu horay u diiday wax ka beddelka Dastuurka KMG ka ah, taas oo keentay inay fashilmaan wada-hadalladii ay ku jireen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo dhawaan lagu qabtay Villa Soomaaliya.

Si Kastaba, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana sii kala fogaanaya dhinacyada isku haya geeddi socodka doorashooyinka iyo habraacyada wax ka beddelka Dastuurka ee ay maanta dhammeystireen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

DF Soomaaliya oo maanta bixisay malaayiin dollar, kuna shubtay akoonnada...

DF Soomaaliya oo maanta bixisay malaayiin dollar, kuna shubtay akoonnada…

WardheerNews

Country by country, here’s how the unfolding war is affecting the Middle East

WardheerNews

President Trump’s Veto Power and Palestine Peace Board Plan Switch-off The UN, EU, NATO and Other International Organizations

Dynamic Country URL Go to Country Info Page