Aljeeriya oo hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha Imaaraadka kadib markii…

Aljeeriya oo hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha Imaaraadka kadib markii...
September 11, 2026

LATEST NEWS

Aljeeriya oo hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha Imaaraadka kadib markii…

Algiers (Caasimada Online) – Aljeeriya ayaa maanta dhaqangelisay go’aan ay diyaaradaha Isutagga Imaaraadka Carabta uga mamnuucday inay adeegsadaan hawadeeda, kadib markii ay shalay jartay xiriirkii kala dhexeeyay Abu Dhabi.

Go’aanka ayaa yimid xilli uu sii xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya labada dowladood, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka iyo doorka Imaaraadka ee colaadaha iyo khilaafaadka ka jira dalal ka tirsan Bariga Dhexe iyo Afrika.

Aljeeriya ayaa maanta oo Jimco ah dhaqan-gelisay go’aanka lagu joojiyay adeegsiga hawadeeda ee diyaaradaha Imaaraadka, kuwa rayidka ah iyo kuwa ciidamada, taas oo noqotay tallaabo kale oo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka labada dhinac.

Si kastaba, tiro kooban oo diyaarado ganacsi ah ayaa loo oggolaaday inay muddo xaddidan adeegsadaan garoonka Houari Boumediene ee Aljeeriya, iyadoo fursaddaasi ay soconayso illaa dhammaadka sannadka 2026.

Xiriirka Aljeeriya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid ay hareeyeen khilaafaad siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka, colaadaha ka socda dalalka Carabta iyo Afrika iyo siyaasadda Abu Dhabi ee gobolka.

Aljeeriya ayaa muddo dheer ku adkeysanaysay mowqifka ah in dalalka gobolka aan lagu faragelin arrimahooda gudaha, iyadoo si joogto ah uga digtay fara-gelinta shisheeye iyo in khilaafaadka gudaha lagu xalliyo hannaan siyaasadeed.

Tallaabada cusub ayaa sii xumeynaysa xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale muujinaysa kala fogaanshaha sii kordhaya ee mowqifyada Aljeeriya iyo Imaaraadka ee ku aaddan arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka.

Indhaha ayaa hadda lagu hayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadaan labada dowladood iyo sida uu khilaafkan cusub u saameyn karo xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Imaaraadka ayaa horey u lumiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalal ay kamid yihiin Soomaaliya, Yemen iyo Suudaan kadib markii ay si adag uga horyimaadeen xad-gudubyada fara-gelinta Abu Dhabi.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Eritrea oo jawaab ka bixisay tallaabada uu qaaday Mareykanka

Dynamic Country URL Go to Country Info Page