Qorshe xukunka looga tuurayo Afwerki oo ka socda Israa’iil

Qorshe xukunka looga tuurayo Afwerki oo ka socda Israa'iil
September 23, 2026

LATEST NEWS

Qorshe xukunka looga tuurayo Afwerki oo ka socda Israa’iil

Tel Aviv (Caasimada Online) — Kooxo Eritrean ah oo mucaarad ku ah xukuumadda Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dibadda ka wada abaabul siyaasadeed iyo mid bulsho oo ay ku doonayaan inay dhisaan awood mideysan oo mustaqbalka isbeddel ka dhalisa Eritrea, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Haaretz.

Warbixinta ayaa xarun yar oo ku taal koonfurta Tel Aviv ku tilmaantay mid ka mid ah goobaha ay ku kulmaan xubnaha dhaqdhaqaaqa loo yaqaan Brigade N’Hamedu, oo ay ku jiraan Eritrean ku nool Israel, Mareykanka, Canada, Sweden, Germany iyo Ethiopia.

Dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya inuu doonayo inuu mideeyo qurbajoogta Eritrea, isla markaana diyaariyo qaab siyaasadeed oo lagu beddeli karo xukuumadda hadda jirta.

Dawit Teferi, oo ah ganacsade Eritrean-Canadian ah kana tirsan hoggaanka dhaqdhaqaaqa, ayaa Haaretz u sheegay in mucaaradkii Eritrea uu muddo labaatan sano ah ku adkaa inuu yeesho saameyn muuqata, balse tan iyo 2022 ay soo baxeen wejiyo, habab iyo qaabab abaabul oo cusub.

Dhaqdhaqaaqa ayaa hadda sameystay qaab-dhismeed ay ku jiraan dhinacyada maaliyadda, diblomaasiyadda, abaabulka bulshada iyo qorsheynta amniga.

Bishii hore, ku dhowaad 1,300 Eritrean ah ayaa magaalada Nes Tziona ee Israel kaga qeyb galay doorasho lagu soo xulayay wakiillo ka mid noqda gole caalami ah oo dhaqdhaqaaqa matala.

Haaretz ayaa sheegtay in 17 munaasabadood oo la mid ah lagu qabtay dalal kala duwan, waxaana la dhisay gole ka kooban 51 xubnood.

Mulu Sultan, oo ka tirsan golahaas, ayaa sheegay in xubnuhu toddobaad kasta kulmaan, iyagoo ka wada hadla dhaqaalaha, qeybsiga masuuliyadaha, xiriirka gudaha Eritrea iyo qorshaha lagu dhisayo saldhig abaabul oo Ethiopia ah.

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa, Beyene Gerezgher, ayaa ku sugan Addis Ababa. Waxa uu sheegay in ururku xiriir la leeyahay dad gudaha Eritrea ku sugan, oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo shaqsiyaad ka tirsan hay’adaha dowladda iyo ciidamada. Sheegashadaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa ayaa dadaal diblomaasiyadeed ka wada Washington. Dawit Teferi ayaa Haaretz u sheegay inuu la kulmo xubno ka tirsan Congress-ka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mareykanka, isagoo ku doodaya in Mareykanka, Israel iyo dalalka Khaliijka ay dan istiraatiiji ah ka leeyihiin inay saaxiib ku yeeshaan gobolka Badda Cas.

Gerezgher ayaa sheegay in xiriirradaas aysan weli la micno ahayn aqoonsi ama taageero rasmi ah, balse dhaqdhaqaaqu u baahan yahay taageero caalami ah si uu isbeddel uga hirgeliyo Eritrea.

Sida ay Haaretz u xigatay Crisis Group, Ethiopia ayaa tan iyo horraantii 2025 si furan u martigelineysay dhaqdhaqaaqa. Gerezgher ayaa sheegay inay Addis Ababa ka haystaan xorriyad ay ku shaqeeyaan, isla markaana halkaas laga dhisayo awoodda ay mustaqbalka doonayaan inay gudaha Eritrea kula galaan.

Gerezgher ayaa sidoo kale sheegay in dhaqdhaqaaqu isku dayayo inuu fariimihiisa gaarsiiyo gudaha Eritrea, halkaas oo internet-ka iyo warbaahinta madaxa-bannaan ay aad u xaddidan yihiin. Sida uu sheegay, fariimaha qaar waxaa loo diyaariyaa qaab muuqaal iyo heeso ah si ay u fududaato faafintooda.

Eritrea waxaa tan iyo xornimadeeda hoggaaminayay Madaxweyne Isaias Afwerki, oo xilka haya tan iyo 1993. Dalka weli kama dhicin doorasho qaran oo tartan ah, dastuurkiina si buuxda looma dhaqan gelin, halka warbaahinta madaxa-bannaan ay xiran tahay.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale muddo dheer ka digayay xarig aan maxkamad lahayn, adeeg qaran oo waqti aan xadidneyn leh iyo cadaadis lagu hayo dadka dowladda dhaliila.

Xiisadda u dhexeysa taageerayaasha iyo mucaaradka dowladda Eritrea ayaa sanadihii dambe marar badan ka qaraxday dalalka ay qurbajoogtu ku badan yihiin. Tel Aviv waxaa Sebtembar 2023 ka dhacay isku dhacyo culus oo ka dhashay munaasabad ay safaaradda Eritrea qorsheysay.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay cabsi gelin, hanjabaad iyo cadaadis xuduudaha ka gudba oo lagu hayo Eritrean-ka dibadda ku nool.

Dhaqdhaqaaqa laftiisa ayaa sidoo kale wajahaya eedeymo la xiriira rabshado. Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka Germany ayaa bishii Maarso 2025 baaritaanno ku sameeyay 17 qof oo looga shakiyay inay hoggaan ka ahaayeen laanta Brigade N’Hamedu ee dalkaas, iyagoo ku tuhmay sameynta ama ka mid ahaanshaha urur argagixiso gudaha ah.

Eedeymahaas waxay khuseeyaan laanta Germany, mana aha xukun kama dambeys ah oo lagu riday dhammaan dhaqdhaqaaqa caalamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha Brigade N’Hamedu waxay ku adkeysanayaan in ujeeddadoodu tahay in la dhiso nidaam dimuqraadi ah oo beddela xukunka Afwerki.

Hase yeeshee, dhaqdhaqaaqu weli ma haysto aqoonsi rasmi ah oo caalami ah, mana cadda awoodda uu dhab ahaan gudaha Eritrea ku leeyahay ama sida uu isbeddelka uu ku baaqayo u hirgelin karo.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal New York kula yeeshay Frank Garcia + Sawirro

Xasan Sheekh oo kulan miro-dhal New York kula yeeshay Frank Garcia + Sawirro

The Hawadle Say No Hirshabelle Vote Will Be Held in Hiiraan Without an Agreement - Somali News in English

The Hawadle Say No Hirshabelle Vote Will Be Held in Hiiraan Without an Agreement – Somali News in English

WardheerNews

Seven Ethiopian Armed Groups Unite Against Abiy as Opposition Front Widens

Dynamic Country URL Go to Country Info Page