Hargeysa (Caasimada Online) – Dekedda Berbera ayaa hadda ku shaqeysa qiyaastii 30% awoodda ay leedahay, inkastoo boqolaal milyan oo dollar lagu maalgeliyey qorshe lagu doonayey in dekedda looga dhigo marin ganacsi oo weyn oo Itoobiya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika adeegsadaan.
Jaamac Maxamed Axmed, oo ah agaasimaha ganacsiga DP World ee Geeska Afrika, ayaa xogtan ku sheegay wareysi uu siiyey warbaahinta Middle East Eye, oo Axaddii daabacay warbixin dheer oo ku saabsan dekedda Berbera iyo tartanka istiraatiijiyadeed ee ka jira Badda Cas.
Shirkadda DP World ayaa awoodda qaadista konteenarrada ee dekedda gaarsiisay 500,000 TEU sanadkii, halka ay sidoo kale qaadi karto qiyaastii laba milyan oo tan oo xamuul guud iyo badeecooyin kale ah. DP World waxay xaqiijineysaa in awoodda konteenarradu ay korortay 150,000 TEU kahor ballaarinta koowaad ilaa 500,000 TEU maanta.
Hase yeeshee, Jaamac ayaa Middle East Eye u sheegay in dekeddu ay hadda isticmaasho qiyaastii 30% awooddeeda, xilli qorshayaashii lagu doonayey in qeybo badan oo ganacsiga Itoobiya loo soo wareejiyo Berbera aysan u hirgelin sidii la filayey.
Arrintan ayaa muujineysa farqiga weli u dhexeeya awoodda weyn ee laga dhisay dekedda iyo xaddiga ganacsiga dhab ahaan ka socda.
DP World ayaa muddo dheer Berbera u soo bandhigeysay marin kale oo Itoobiya u fududeyn kara ganacsigeeda caalamiga ah, iyadoo dalkaas aan bad lahayn uu inta badan badeecadihiisa kala soo dego dekedaha Jabuuti.
Rajadaas ayaa sii xoogeysatay bishii Janaayo 2024, markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo la xiriiray marin badeed.
Heshiiskaas waxaa si xooggan uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dalka. Khilaafkii ka dhashay ayaa markii dambe horseeday dhex-dhexaadin ay Turkigu sameeyeen, iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay bishii December 2024 ku gaareen Ankara heshiis dhigaya in arrimaha marin-badeedka Itoobiya lagu wajaho iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Sida uu sheegay Jama, qorshayaashii ganacsiga Itoobiya ee la filayey inay si weyn u kordhiyaan isticmaalka Berbera ayaan weli rumoobin.
Runta qorshaha Imaaraadka
Axmed Cabdi, oo ah falanqeeye arrimaha juqraafi-siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa Caasimada Online u sheegay in xogta cusub ee muujineysa in Berbera ay ku shaqeyso 30% awooddeeda ay dib u soo celinayso su’aalihii muddada dheer laga qabay ujeeddada Imaaraadka Carabta ee dekedaha Berbera iyo Boosaaso.
“Arrintan waxay caddeyn u tahay wixii aan muddo aaminsaneyn, ee ah in sababta Imaaraadku ula wareegay dekedaha Berbera iyo Boosaaso ay tahay inuu yareeyo tartanka, isla markaana ilaaliyo dekedda Jebel Ali,” ayuu yiri Axmed Cabdi.
“Qorshuhu wuxuu mar walba ahaa in maamullada halkaas ka jira la siiyo dhaqaale iyo horumarin kooban, balse mustaqbalka laga hortago inay halkaas ka dhismaan dekedo awood u leh inay la tartamaan dekedda Dubai,” ayuu sii raaciyey.
DP World, dhinaceeda, waxay sheegtaa in maalgelinteeda Berbera ay ujeeddadeedu tahay ballaarinta ganacsiga gobolka, casriyeynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in dalalka Geeska Afrika loo helo marinno ganacsi oo dheeraad ah. Shirkaddu waxay sheegtay in tan iyo markii ay howlaha Berbera billowday 2017, mugga konteenarrada dekedda uu kordhay 30%, halka xamuulka guud uu kordhay 90%.
Axmed Cabdi ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay dib u eegaan heshiisyada ay la leeyihiin DP World, isagoo tusaale u soo qaatay Jabuuti iyo Eritrea oo horey khilaafyo iyo isbeddello uga dhacay heshiisyadii ay la lahaayeen shirkadda.
Dooddan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay 12-kii Janaayo 2026 ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan heshiisyo la xiriira dekedaha, hay’adaha dowladda, amniga iyo difaaca.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankaasi saameynayo heshiisyada la xiriira dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, iyadoo dowladda ay ku sababeysay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.
Somaliland, Puntland iyo Jubbaland ayaa markaas diiday go’aanka Muqdisho, iyagoo sheegay inay sii wadayaan xiriirkooda iyo heshiisyadooda Imaaraadka. DP World-na waxay sheegtay in howlaheeda dekedda Berbera aysan saameyn ku yeelan khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo UAE.
Maalgashi gaaraya $442 milyan
DP World ayaa dekedda Berbera ku maamusha heshiis muddo dheer ah, waxaana shirkaddu ballanqaadday maalgelin gaareysa $442 milyan.
Marxaladdii koowaad ee ballaarinta ayaa awoodda konteenarrada ka kordhisay 150,000 TEU ilaa 500,000 TEU sanadkii, halka wejiga labaad ee qorshuhu uu awoodda dekedda gaarsiin karo laba milyan oo TEU sanadkii.
Shirkaddu waxay sidoo kale horumarisay Aagga Dhaqaalaha Berbera iyo waddo ganacsi oo isku xirta dekedda iyo xadka Itoobiya.
Inkasta oo qeyb weyn oo awoodda dekeddu aysan hadda shaqeyn, Berbera waxay weli qaabilaysaa badeecooyin caalami ah iyo kuwo gobolka loo sii gudbiyo.
Middle East Eye ayaa sheegtay in intii weriyaheedu joogay dekedda halkaas laga rarayey qamadi Ruushka ka yimid oo loo sii waday Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, halka konteenarro Shiinaha ka yimid oo ku sii jeeday Masar lagu kala wareejinayey maraakiib.
Waxaa sidoo kale halkaas laga dejinayey sonkor Hindiya ka timid iyo alwaax laga keenay Malaysia oo loogu talagalay suuqa Somaliland.
Jaamac Maxamed Axmed ayaa, inkastoo heerka isticmaalka dekeddu hooseeyo, sheegay inuu weli ku kalsoon yahay in ganacsigu mustaqbalka kordhi doono.
“Kaabeyaashii oo dhan waa joogaan. Waa arrin waqti uun ah,” ayuu u sheegay Middle East Eye.