Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal lagu burburiyay shabakado ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo loo diyaariyay inay ka howlgaan magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxa NISA ayaa lagu sheegay in shabakadahan qorshahooda la fashiliyay ujeedkooda uu ahaan inay ku dhex dhuuntaan shacabka caasimada, kadibna ay sidaas ku fuliyaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Inta uu socday howlgalka waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa shabakadaha la burburiyay, sida lagu sheegay qoraalka.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa burburiyay shabakado ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo cadawgu u diyaariyay in ay ku dhex dhuuntaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana gacanta lagu dhigay 11 dhagar-qabe oo ka tirsanaa shabakado kala duwan, kuwaas oo loo diyaarinayay in ay fuliyaan falal ka dhan ah amniga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska NISA.
Sidoo kale howlgalladan oo ka dhacay 5 degmo oo kala duwan ayaa lagu soo qabtay hub iyo agabyo kale oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
“Shabakadahaan ayaa la soo afjaray kaddib howlgallo qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen degmooyinka Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye. Intii ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay dhagar-qabayaashu doonayeen in ay u adeegsadaan fulinta dhagarta ay qorsheynayeen,” ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay taliska NISA uga hortagayso qorshayaasha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku doonayaan inay ku waxyeelleeyaan amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa haatan ah mid aad u xasilloon, iyadoo ay meesha ka baxeen qaraxyadii iyo weerarradii ay horay argagixisadu uga gaysan jirtay caasimada. Xasilloonidan ayaa loo aaneynayaa dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo sugidda amniga, kadib markii ciidamada amniga si wanaagsan loo jiheeyay, loona kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud.