Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada Waajid ee gobolka Bakool ka bilowday tababarka ciidamo deegaan ah, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada dowladda ee ka howlgala magaalada iyo deegaanada hoostaga.
Dhalinyarada la tababarayo ayaa muujiyay doonis ay kaga mid noqonayaan ciidamada, taas oo keentay in la siiyo tababar ciidan oo u saamaxaya inay ka qeyb qaataan sugidda amniga deegaanadooda, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo difaaca magaalada iyo deegaanadeeda, iyadoo la doonayo in laga hortago khatar kasta oo amni oo sababi karta in Waajid ay gacanta ka baxdo ciidamada dowladda.
Dowladda ayaa sidoo kale xoogga saaraysa tababarka iyo qalabaynta dhalinyarada deegaanka xilli deegaano hoostaga degmada Waajid lagu soo warramayo inay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan dagaalyahannada Al-Shabaab.
Waajid ayaa loo arkaa magaalo muhiim u ah dhinaca amniga iyo isku socodka gobolka Bakool, waxaana la qorsheeyay in ciidanka deegaanka ay ka hoos shaqeeyaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ciidanka deegaanka ayaa door ka qaadan doona ka hortagga weerarrada iyo ilaalinta goobaha muhiimka ah, iyagoo garab siinaya ciidamada Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen saraakiishu.
Tababarka ka socda Waajid ayaa kusoo aadaya iyadoo Dowladda Federaalka ay waddo qorshe lagu kordhinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed, si ay ugu diyaargaroobaan mas’uuliyadda amni ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.