Beledweyne (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan kaarka JSP ee HirShabelle oo la sheegay inla siinayo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dibad-baxa ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiinta gobolka, kuwa degmada iyo boqolaal shacab ah, iyada oo amniga ay sugeen ciidamada ammaanka ee Beledweyne.
Mas’uul sare oo ka hadlay dibad-baxa ayaa warbaahinta u sheegay inay taageerayaan xisbiga JSP iyo kaarka in la siiyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo mar kale u sharraxan xilka madaxweynaha ee maamulkaas.
“Maanta waxaan isugu soo baxnay banaanbax lagu taageerayo xisbiga JSP, degmada Beledweyne annaga oo ka kooban maamulka heer gobolka, heer degmo, wasiirro, xildhibaanno. Sidoo kale waxaan taagereynaa in kaarka la siiyay madaxweynaheenna Cali Guudlaawe Xuseen, waana garab taaganahay,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb-galay dibadbaxa Beledweyne.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in diyaar garoga doorashada uu ka socda Beledweyne, isla markaana ay si wanaagsan uga qayb-geli doonaan, maadaama codadka ay dhiibaan doonan dadweynaha reer HirShabelle.
“Doorashada si fiican ayay u socotaa wax dhib ah ma jiraan, waxaana leenahay xisbiga JSP ha guuleysto,” ayuu sii raaciyay.
Arrintan ayaa durbo khilaaf ka dhalisay deegaannada HirShabelle, waxaana madaxweyne ku-xigeenka maamulka uusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo xalay hadlay uu Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu uga baxay ballan siyaasadeed oo uu la galay. Dabageed oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay horay ugu heshiiyeen, uguna ballanqaaday inuu hoggaanka HirShabelle isaga siiyo ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu hadda waxba kama jiraan kasoo qaaday ballankaas.
Dabageed ayaa sheegay in xalay kulan albaabadu u xirnaayeen oo uu la yeeshay Xasan Sheekh uu ku wargeliyay in kursigii HirShabelle aan loo hayn, sidaas darteedna uu tanaasulo.
“Madaxweynaha shalay markuu isoo wacay, waxaa u qabay laba qodob midkood: Madaxweynihii ayaa ku siinayaa ee reer HirShabelle ku hoggaami oo shaqadii la wareeg, ama inuu leeyahay waxaan ku ballannay waa shaqeyn waayay, oo nin kale oo Xawaadle ah oo ilma adeer tihiin ayaa kursigii la siiyay ee la shaqee ninkaas, sidaas ayuu ku dhihi islahaa hadduu adiga ku siin waayo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka HirShabelle.
Dabageed ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu uu si cad ugu sheegay in xilka maamulka HirShabelle uu u wado Cali Guudlaawe, oo mar kale isku soo taagaya hoggaanka maamulka. “Madaxweynihii xalay waxaan kala kulmay wax uu nin fiyow oo ehel iyo mas’uul ah oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu dhihi karo aanan u qabin. Ballankii reer abtigay waa ka baxay ee kursiga iiga doon, oo iga nabad doonee ayuu igu dhahay,” ayuu mar kale yiri Dabageed.
Inkastoo weli uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo si cad u xaqiijinaya in heshiis kama dambeys ah laga gaaray musharraxa Madaxweynaha HirShabelle ama in Guudlaawe loo go’aamiyay inuu mar kale hoggaamiyo maamulka, haddana waxaa isa soo taraya wararka sheegay in Xasan uu kaarka JSP siinayo Guudlaawe, si mar kale loogu dhiso hoggaanka maamulka.