Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaashii hore ee Barlamaanka Soomaaliy, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed oo ay weli ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis Lafta-gareen.
Labada mas’uul ayaa shaaca ka qaaday inay ka walaacsan yihiin xaaladda amni, midda siyaasadeed iyo bani’aadannimo ee ka taagan deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna farriin u direen labada dhinac oo ay ka codsadeen inay joojiyaan dagaalka, ayna furaan wada-hadallo deg-deg ah, si looga hortago in mar kale uu dhiig ku daato Baydhaba.
Sidoo kale, waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen dhibaatooyinka soo gaaray shacabka oo ay ka mid yihiin dhimashada, dhaawaca, barakaca qoysaska iyo carqaladeynta nolosha iyo adeegyada kale ee bulshada.
“Shacabka Koonfur Galbeed waxay mudan yihiin nabad, amni iyo nolol sharaf leh, mana habboona inay noqdaan kuwa bixiya qiimaha khilaafaadka siyaasadeed,” ayay bayaankooda ku yiraahdeen Mursal iyo Shariif Xasan.
Waxaa kale oo ay soo saareen 10 qodob oo lagu wajihi karo xaaladda taaan, si xal waara loogu helo khilaafka Koonfur Galbeed, waxayna ka yihiin;-
1-Si degdeg ah u joojiyaan colaadda iyo iska horimaadyada hubeysan, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda ama horseedi karta dhiig kale oo daata.
2-Mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka, ilaalinta naftooda iyo hantidooda, iyo fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee dadka ay dhibaatadu saameysay.
3-Khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad, tanaasul iyo heshiis waara, iyadoo la dhowrayo danta guud iyo midnimada bulshada.
4-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay qaadato door dhexdhexaadin, nabad-dhisid iyo isu-soo-dhoweyn, iyadoo la ilaalinayo midnimada dalka, Dastuurka Federaalka iyo xuquuqda shacabka Koonfur Galbeed.
5-Siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada waxaan ugu baaqaynaa inay door muuqda ka qaataan dejinta xiisadda, joojinta hadallada kicinaya colaadda iyo dhisidda jawi ku habboon wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin.
6-Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa qurba-joogta ee nala soo xiriiraya, kana walaacsan xaaladda dalkooda, isla markaana raadinaya waddo nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka. Waxaan ugu baaqaynaa inay dadaalkooda ku xoojiyaan nabadda, isu-soo-dhawaanshaha iyo taageerada shacabka ay dhibaatadu saameysay.
7-Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa saaxiibbada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka inay taageeraan dadaallada nabadeed iyo dib-u-heshiisiinta, isla markaana ay dhiirrigeliyaan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaari karo xal siyaasadeed oo waara.
8-Waxaan ka codsanaynaa Beesha Caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed, ayna gacan ka geystaan ilaalinta shacabka, gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo ka hortagga barakac iyo dhibaato hor leh.
9-Waxaan aaminsannahay in Koonfur Galbeed aysan u baahnayn dagaal kale, balse ay u baahan tahay wada-hadal, is-afgarad iyo dib-u-heshiisiin. Khilaafka siyaasadeed waa la xallin karaa haddii ay jirto rabitaan, dulqaad iyo in danta shacabka laga hormariyo danta qofeed ama kooxeed.
10-Waxaan sidoo kale aaminsannahay in dhiig la daadiyo uusan ahayn xal siyaasadeed, ayna masuuliyad wadajir ah tahay in laga hortago wax kasta oo sii kordhin kara colaadda, barakaca iyo kala fogaanshaha bulshada.
Ugu dambeyn, waxay ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay danta shacabka ka hormariyaan danta qofeed ama kooxeed, ayna doortaan waddada wada-hadalka iyo is-afgaradka si loo soo afjaro dhibaatada jirta. “Waxaan rajaynaynaa in dadaallada wadajirka ah ee nabadda iyo dib-u-heshiisiintu ay horseedaan xal siyaasadeed oo waara, soo celinta xasilloonida, isku-duubnida iyo rajada shacabka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.