Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka ahna Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha khuseeya bulshada iyo horumarinta fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka.
Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada iyo sidii loo horumarin lahaa doorka hay’adaha diinta ee arrimaha bulshada.
Qodobada kulanka lagu soo qaaday waxaa kamid ahaa ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo wacyigelin iyo faham diini ah oo sax ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyo sidoo kale doorka ay ka qaadato horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada dowladda iyo hay’adaha diinta, si wax looga qabto caqabadaha la xiriira fikirka xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, gaar ahaan dhinacyada nabadda, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikradaha xagjirka ah.