Taliska ciidanka xoogga oo qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Ceelbaraf

Taliska ciidanka xoogga oo qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Ceelbaraf
September 11, 2026

LATEST NEWS

Taliska ciidanka xoogga oo qaaday tallaabo la xiriirta dhacdadii Ceelbaraf

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu baaritaan ku hayo dilka askari ka tirsanaa ciidanka, kaas oo lagu dilay deegaanka Calaag ee degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliska ayaa sheegay in marxuum Axmed Shire Xuseen xiliga la dilay uu fasax uga maqnaa shaqada ciidanka. War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanno ku aaddan dhacdada ay haatan socdaan, si loo xaqiijiyo faah-faahinta dilka iyo cid kasta oo ku lug lahayd.

Taliska ciidanka xoogga ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabooyin waafaqsan sharciga, marka la helo natiijada baaritaanka iyo cidda mas’uulka ka ahayd falka.

Sidoo kale, Taliska ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo bahda ciidanka ee uu ka baxay marxuum Axmed Shire Xuseen. “Askarta Soomaaliyeed ay mudan yihiin in la dhowro noloshooda, sharaftooda iyo xuquuqdooda,” ayuu yiri taliska.

Taliska ayaa adkeeyay in ciidanka xoogga uu yahay ciidan qaran oo u adeegaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in la dhowro sharciga iyo xuquuqda askarta.

Dilka askariga ayaa caro ka abuuray bulshada Soomaaliyeed, iyadoo falka lagu tilmaamay mid bahalnimo ah, waxaana lagu baaqay in caddaaladda la horkeeno cid kasta oo lagu helo inay ka dambeysay dilka.

Axmed Shire ayaa maleeshiyaad hubeysan ay kala dageen mooto uu la socday, xilli uu kusii jeeday gobolka Hiiraan, kadibna ay sidaas ku toogteen.

Ka hor inta aan la dilin askariga, maleeshiyaadka hubeysan oo u abaabulnaa hab beeleed ayaa muuqaal ka duubay marxuumka, iyadoo ehelladiisu ay sheegeen in jirkiisa uu googo’ay kadib markii jir-dil xooggan loo gaystay, taasoo sababtay in si dhib badan lagu aaso.

Waa markii labaad oo dhacdo noocaan oo kale ah ay ka dhaceyso aagga Ceelbaraf, waxayna ay ahayd dhammaadkii bishii December ee 2024-kii markii sidaan oo kale aano qabiil darteed halkaas loogu dilay 7 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kana yimid dhanka furimaha hore.

Askartaas oo fasax kasoo qaatay goobihii ay ka howl-galeen, kuna sii jeeday ehelladooda, ayaa waxaa gaari kala degay maleeshiyaad beeleed, kuwaas oo indhaha ka xiray, muuqaalna ka duubay, kadibna toogasho ku fuliyay.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page