Ciidamada Cirro u dirayo Gaza ha kusoo furto maxaabiista Laascaanood

Ciidamada Cirro u dirayo Gaza ha kusoo furto maxaabiista Laascaanood
September 10, 2026

LATEST NEWS

Ciidamada Cirro u dirayo Gaza ha kusoo furto maxaabiista Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Kaah ayaa si kulul uga falceliyay hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ee ahaa in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay inuu ilaa 2,000 oo askari u diro Gaza.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidankaasi Somaliland ugu baahan tahay arrimo gudaha ah, gaar ahaan sidii loo soo furan lahaa maxaabiista Somaliland uga xiran magaalada Laascaanood oo haatan ah xarunta maamulka Waqooyi Bari.

“Labada kun ee askari ee madaxwaynuhu sheegay inuu u dirayo Gaza, waxa looga baahi badan yahay inay soo furtaan maxaabiista inagaga xidhan Laascaanood,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga Kaah.

Hadalka Afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Cirro uu magaalada Washington kaga qeyb-galay shirka MEAD, halkaas oo uu ka sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay ciidamo ku biiriso ciidamada caalamiga ah ee loo qorsheynayo xasilinta Gaza.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland aysan si iskeed ah u dalbanayn inay ciidamo dirto, balse ay diyaar tahay haddii ay arrintaas si rasmi ah uga codsadaan Mareykanka ama Israel.

“Haddii nala weydiisto, waan bixin karnaa. Inkastoo aanan annagu iskaa isu soo bandhigayn, haddii la i weydiisto, waa diyaar.” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Si kastaba, hadalka kasoo yeeray xisbiga Kaah ayaa muujinaya in mucaaradka uusan ku raacsaneyn hoggaanka maamulka qorshaha ciidamo loogu diri karo Gaza, xilli ay jiraan arrimo amni iyo siyaasadeed oo gudaha maamulka Somaliland ah oo ay mucaaradku doonayaan in marka hore wax laga qabto.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Taliye Shub Names a Turkish F-16 and the Men He Says Guided It - Somali News in English

Taliye Shub Names a Turkish F-16 and the Men He Says Guided It – Somali News in English

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Dynamic Country URL Go to Country Info Page