War cusub oo kasoo kordhay xarigga Wariye Hasan Galaydh

War cusub oo kasoo kordhay xarigga Wariye Hasan Galaydh
September 10, 2026

LATEST NEWS

War cusub oo kasoo kordhay xarigga Wariye Hasan Galaydh

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xarigga Wariye Xasan Saleebaan Haaruun (Galaydh) oo shalay ciidamada ammaanka ay soo xireen isaga oo shalay ka qayb-galayay xafladda qalin jebinta Jaamacadda Timacadde ee magaalada Gebiley.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in wariyaha uu ku jiro gacanta ciidamada, isla markaana loo haysto eedeymo la xiriira faafinta warar been abuur ah.

Sidoo kale, taliska ayaa sheegay in haatan ay baaris ku socoto Wariye Xasan Galaydh, isla markaana si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.

“Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), oo ku eedaysan faafinta warar been-abuur ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa intaas lasii raaciyay “Eedaysanaha ayaa wax laga weydiiyey wararka uu warbaahinta ku faafiyey, taas oo uu wax caddayn ah u waayay, waxaana si degdeg ah loogu horgeyn doonaa Hay’adaha Sharciga”.

Xasan Galaydh oo caan ka ah deegaannada Somaliland ayaa dhawaan baahiyay warbixin uu diiradda ku saaray arrimaha nolosha Somaliland, sida sicir bararka, laydhka, caafimaadka, iyo shaqada xukuumadda.

Sidoo kale, wuxuu isla warbixintaas kaga hadlay xarigga loo gaystay wariye Cabdiqani Baylood oo weli xiran, isaga oo ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo.

Dhanka kale, falcelin xooggan ayaa ka dhalatay xarigga lagula kacay Hasan Gllaydh, waxaana cambaareeyay mas’uuliyiin iyo xisbiyada Somaliland.

“Xadhigga noocan ah, ceeb iyo qiimo la’aan wax aan ahayn xukuumaduhu kama qaadan.. Waxaan ku baaqayaa in wariye Hassan Gallaydh iyo suxufiyiinta kale ba xoriyaddooda loo soo celiyo. Xadhiggina macquul maahee meesha maala rogayaa!” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Dhankiisa, Gudoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Kaah Dr Nimcaan ayaa isaguna qoraal uu soo saaray ku dhaliilay xukuumadda Cirro, wuxuuna sheegay inay caada ka dhigatay xarigga wariyeyaasha Somaliland.

“Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku curatay caadana ka dhigtay xadhigga suxufiyiinta madaxbannaan, waxayna xabsiga u taxaabtay tiradii ugu badnayd ee suxufiyiina.Tani waa cabudhin iyo carjuuqdhed aan la aqbali karin,” ayuu isna yiri Dr Nimcaan.

Si kastaba ha’ahaatee, Hasan Galaydh ayaa noqonaya wariyhii 47-aad ee ay xirto xukuumadda Somaliland, iyada oo sidoo kale Wariye Baylood uu muddo laba todobaad ah si xaq-darro ah ugu xiran yahay waraysi uu qaaday.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

WardheerNews

Dried up water source in Bari mountains leaves thousands facing acute water crisis

Dynamic Country URL Go to Country Info Page