Turkiga oo Bashaqle ka dhigaya aag milatari oo istiraatiiji ah xilli…

Turkiga oo Bashaqle ka dhigaya aag milatari oo istiraatiiji ah xilli...
September 8, 2026

LATEST NEWS

Turkiga oo Bashaqle ka dhigaya aag milatari oo istiraatiiji ah xilli…

Warsheekh (Caasimada Online) – Deegaanka Bashaqle ee u dhexeeya Cadale iyo Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa noqonaya aag istiraatiiji ah, iyadoo qorshayaal lagu dhisayo kaabayaal milatari oo la xiriira xarunta hawada sare ee Turkiga ee laga wado duleedka Warsheekh.

Mashruuca xarunta hawada sare oo la sheegay inuu soo billowday dhammaadkii sanadkii 2025 ayaa wejigiisa hore la qorsheeyay in la soo gaba-gabeeyo 2027. Soomaaliya ayaa kaalin ka qaadanaysa hirgelinta xaruntan, sida uu horey u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogaha laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in kaabayaasha laga dhisayo Bashaqle ay yeelan karaan xarumo loogu talagalay taageerada ciidamada dhulka, garoon diyaaradeed iyo sidoo kale adeegyo militari oo dhinaca badda ah.

Haddii qorshayaashan la hirgeliyo, Bashaqle wuxuu yeelan karaa muhiimad istiraatiiji ah, maadaama uu ku dhow yahay goobta laga dhisayo xarunta hawada sare, taas oo ka dhigan in deegaanka loo adeegsan karo saldhig taageero oo lagu ilaaliyo laguna xoojiyo howlaha xarunta.

Isbeddelkan ayaa kusoo aadaya xilli Ankara ay sii ballaarinayso iskaashiga ay la leedahay Muqdisho ee dhinacyada amniga iyo difaaca. Ciidamada Turkiga ayaa sidoo kale la sheegay inay kordhiyeen joogitaankooda qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe.

Joogitaanka ciidamada Turkiga ayaa loo aaneynayaa laba arrimood oo muhiim ah: taageerada iyo tababarka ciidamada Soomaaliya iyo ka qeyb-qaadashada sugidda amniga xarunta hawada sare marka ay shaqadeedu si buuxda u bilaabato.

Sidoo kale, cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor oo tababar iyo taageero ka helay Turkiga ayaa loo diyaarinayaa howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan goobo istiraatiiji ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Howl-galladaas ayaa qeyb ka noqon kara qorshayaasha lagu ballaarinayo gacanta dowladda ee deegaannada gobolka, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed lagu taageerayo tababar, qalab iyo iskaashi milatari oo ay la leeyihiin Turkiga.

Bashaqle ayaa sidaas ku yeelanaya door ka weyn kii hore dhanka amniga, gaar ahaan haddii uu hirgalo qorshaha lagu dhisayo kaabayaasha milatari ee la xiriira xarunta hawada sare. Tallaabadaasi waxay sidoo kale sii xoojin kartaa joogitaanka ciidan ee Soomaaliya iyo Turkiga ee xeebaha bartamaha dalka.

Mashruuca xarunta hawada sare ayaa Soomaaliya u noqon kara fursad ay kaga mid noqoto dalalka Afrika ee yeesha kaabayaal la xiriira hawada sare, halka dhismaha kaabayaasha amniga ee ku xeeran uu siin karo deegaanka Bashaqle muhiimad cusub oo istiraatiiji ah.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Taliye Shub Names a Turkish F-16 and the Men He Says Guided It - Somali News in English

Taliye Shub Names a Turkish F-16 and the Men He Says Guided It – Somali News in English

WardheerNews

Leadership Ethics and Institutional Integrity: Two Inseparable Foundations

Somaliland oo go'aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Somaliland oo go’aano culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Awdal

Dynamic Country URL Go to Country Info Page