Khubaro militari oo ka socda dalal dhowr ah oo iskugu tegay Muqdisho + Ujeedka

Khubaro militari oo ka socda dalal dhowr ah oo iskugu tegay Muqdisho + Ujeedka
August 3, 2026

LATEST NEWS

Khubaro militari oo ka socda dalal dhowr ah oo iskugu tegay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Militari ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawl-galka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo gogol-xaar u ah Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo lagu dhaqangelinayo go’aamadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawl-galka AUSSOM, kaas oo dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Sidoo kale, qorshaha ayaa xoogga saaraya dardar-gelinta hawl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo wadaagista xogaha sirdoonka, isku-duwidda awoodaha ciidamada iyo ka faa’iidaysiga agabka ay wadaagaan dalalka taageeraya howlgalka.

Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Militari, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise ayaa sheegay in qorshahan uu saldhig u yahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ciidamada ku taageera howl-galka.

Waxa uu tilmaamay in iskaashigan la doonayo inuu sare u qaado awoodda ciidamada iskaashanaya, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab loona adkeeyo amniga Soomaaliya iyo kan guud ahaan gobolka.

Qorshaha ay diyaariyeen khubarada militariga ayaa loo gudbiyay Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka ka qeyb-galaya shirka, kuwaas oo dib u eegis ku sameyn doona ka hor inta aan si rasmi ah loo ansixin.

Marka la ansixiyo, qorshahan ayaa saldhig u noqon doona wejiga xiga ee hawl-gallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo sidoo kale la hiigsanayo xaqiijinta xasillooni iyo nabad waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

The Brokers of Broken Dreams: How Human Traffickers Are Preying on the Horn of Africa’s Lost Generation

Mareykanka iyo Iran oo kala saxiixday heshiis buuxa oo aysan qeyb ka aheyn Israa'iil

Ciidamada Mareykanka oo billaabay in ay diraan emailo yaab leh kadib markii Iiraan…

Al-Shabaab Takes Teedaan as Hiiraan Slips Further From Mogadishu - Somali News in English

Al-Shabaab Takes Teedaan as Hiiraan Slips Further From Mogadishu – Somali News in English

Dynamic Country URL Go to Country Info Page