Ciidamada Mareykanka oo billaabay in ay diraan emailo yaab leh kadib markii Iiraan…

Mareykanka iyo Iran oo kala saxiixday heshiis buuxa oo aysan qeyb ka aheyn Israa'iil
August 3, 2026

LATEST NEWS

Ciidamada Mareykanka oo billaabay in ay diraan emailo yaab leh kadib markii Iiraan…

Washington (Caasimada Online) – Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa bilaabay inuu ururiyo fikrado cusub oo lagu kordhinayo cadaadiska Iran, laguna ciqaabayo xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran, sida ay baahisay warbaahinta CNN oo soo xiganeysa ilo xog-ogaal ah.

Sida ay warbixintu sheegtay, mid ka mid ah saraakiisha sare ee CENTCOM ayaa dhawaan email u diray koox ballaaran oo falanqeeyayaal iyo saraakiil militari ah, isagoo ka codsaday inay soo gudbiyaan “fikrado cusub oo aan caadi ahayn” oo lagu cadaadin karo laguna ciqaabi karo Iran.

Ilo kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in CENTCOM lagu amray dib-u-eegis lagu sameeyo xeeladaha hadda jira, isla markaana la qiimeeyo dhammaan fursadaha suurtagalka ah ee lagu wajihi karo Iran. Sida ay sheegeen, ujeeddadu waa in la helo habab cusub oo ka duwan kuwii hore loo adeegsan jiray.

Warbixinta CNN ayaa sidoo kale xustay in qaar ka mid ah saraakiisha militariga ay sheegeen in habka fikradaha loogu ururinayo emailo loo diro shaqaalaha uu yahay mid aan hore looga baran militariga Mareykanka, inkastoo uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo qorsheynta istiraatiijiga ah.

Dhankiisa, afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in CENTCOM uu muddo dheer caan ku ahaa curinta iyo hirgelinta fikrado cusub oo lagu wajahayo caqabadaha amniga. Wuxuu xusay in hay’addu ay mar walba dhiirrigeliso hal-abuurka iyo soo bandhigista talooyin cusub.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Taliyaha CENTCOM, Jeneraal Brad Cooper uu ku boorriyey dhammaan xubnaha taliska, iyadoon loo eegayn darajadooda ciidan inay ka qeyb qaataan soo jeedinta fikrado kor u qaadi kara tayada iyo waxtarka howl-gallada militariga.

Mid ka mid ah ilaha la hadlay CNN ayaa sheegay in maamulka Mareykanka uu weli doonayo in xal diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka kala dhexeeya Iran, balse uu sidoo kale raadinayo siyaabo cusub oo lagu kordhin karo cadaadiska saaran Tehran.

“Ugu dambeyn, madaxweynaha Mareykanku wuxuu doonayaa heshiis, sidaas darteed wuxuu si joogto ah u raadinayaa habab uu cadaadis ugu saaro Iran, ugana baxo xaaladdan. Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay maskax hal-abuur leh, gaar ahaan marka hababkii caadiga ahaa ay sii dhammaanayaan,” ayuu yiri mid kamid ah ilaha ay soo xigatay CNN.

Warbixintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka Mareykanka iyo Iran uu weli yahay mid aad u xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo cadaadisyo is barbar socda oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya labada dal.

Si kastaba, ciidamada Mareykanka ayaa haatan sheegay inay sii wadaan go’doominta badda ee Iran, iyadoo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz uu mar kale hoos u dhacay.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

When Politics Replaces Institutions: Somalia’s State-Building Dilemma

Khubaro militari oo ka socda dalal dhowr ah oo iskugu tegay Muqdisho + Ujeedka

Khubaro militari oo ka socda dalal dhowr ah oo iskugu tegay Muqdisho + Ujeedka

WardheerNews

The Brokers of Broken Dreams: How Human Traffickers Are Preying on the Horn of Africa’s Lost Generation

Dynamic Country URL Go to Country Info Page