Ciidankii Lafta-gareen oo u galay DF kadib ballanqaad weyn oo loo sameeyay

Ciidankii Lafta-gareen oo u galay DF kadib ballanqaad weyn oo loo sameeyay
April 12, 2026

LATEST NEWS

Ciidankii Lafta-gareen oo u galay DF kadib ballanqaad weyn oo loo sameeyay

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Awdiinle tan iyo markii uu xukunka baneeyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dib u soo celinta ciidankan ayaa ku timid dadaallo guuleystay oo maalmahan ay wadeen Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, iyo madaxda maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyeyaasha ciidamada qaranka ayaa kulan ay maanta la yeesheen saraakiisha iyo ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay sii wadaan shaqada adag ee ay u hayaan qaranka.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in dowladda ay bixin doonto dhammaan xuquuqaha ka maqan, isla markaana ay siin doonto xuquuq la mid ah tan ciidanka qaranka.

Saraakiishii hoggaaminaysay ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda uga mahadceliyay dadaallada mas’uuliyiinta dowladda, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda qaran.

Ugu dambeyn, ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo saraakiishooda ayaa dib loogu celiyay magaalada Baydhabo iyo xeryihii ay markii hore ka howlgalayeen.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan amnigeeda si gaar ah loogu xil saaray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka howlgalaan hareeraha magaalada, si ay u xoojiyaan difaaca guud ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Magaalada ayaa sidoo kale lagu soo rogay bandow habeenkii ah, iyadoo la soo saaray awaamiir mamnuucaya in hub lagu dhex qaato magaalada.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay baaritaanka gaadiidka iyo dadka soo galaya ama ka baxaya Baydhabo, si buuxda loo hubiyo amniga loogana hortago wax kasta oo khatar gelin kara xasilloonida, xilli halkaasi laga qabanayo doorashooyin lagu soo dooranayo hoggaanka cusub ee maamulka.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

Djibouti’s president wins unprecedented sixth term with 97.8% of vote

Djibouti’s president wins unprecedented sixth term with 97.8% of vote

Lacagta shilin Soomaaliga oo laga diiday qaybo kamid ah Muqdisho

Lacagta shilin Soomaaliga oo laga diiday qaybo kamid ah Muqdisho

WardheerNews

US military says it will blockade Iran’s ports as ship traffic appears to halt in Strait of Hormuz

Dynamic Country URL Go to Country Info Page