Washington (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington madaxda hay’adaha sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo FBI.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.
Agaasimaha NISA ayaa kulamadaas ku soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga iyo ciribtirka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Sidoo kale, Mahad Maxamed Salaad ayaa booqday xarunta Ciidamada Howl-gallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg, oo ku taalla gobolka North Carolina, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Korneyl Benander, oo ah taliye sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.
Korneyl Benander ayaa la sheegay inuu hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay yeeshaan wada-hadal qoto dheer oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa howl-gallada socda.
Dhankiisa, Agaasimaha NISA ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.
Iskaashigan ayaa la sheegay inuu horseeday guulo la taaban karo, oo ay ka mid yihiin howl-galladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta, kuwaas oo si weyn u wiiqay awooddooda.