Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sheegtay in ay joogsatay faragelinta Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed 8 sano ka hor, iyadoo qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho lagu sheegay in xiriirka labada dal uu udub dhexaad u yahay ilaalinta xasiloonida iyo kobcinta dhaqaalaha.
Bayaanka safaaradda ayaa xusay in sanad-guurada 8-aad ee xukuumadda Abiy Axmed ay muujinayso isbeddelka ku yimid xiriirka Geeska Afrika, isla markaana ay Itoobiya ka go’an tahay taageerida Soomaaliya si ay u hesho nabad iyo horumar waara.
“Sanad-guurada 8-aad ee xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay muujinaysaa isbeddelka ku yimid xiriirka Geeska Afrika, iyadoo la xoojiyay iskaashiga Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku qotoma is-dhexgal dhaqaale iyo xasilooni,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Itoobiya.
Hadalkan ayaa ku soo aaday xilli dhowaan Dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegtay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan maamulka Koofur Galbeed, kaasoo hore looga arki jiray farogalinta siyaasadeed ee Itoobiya.
Arrimahan ayaa imanaya xilli mucaaradka Itoobiya ay sheegeen in Addis Ababa si tartiib tartiib ah u lumisay saameyntii ay ku lahayd Soomaaliya. Siyaasiga mucaaradka ah ee Jawar Maxamed ayaa, isagoo daba socda dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Baydhabo, sheegay in tan tahay “guuldarro diblomaasadeed oo kale” oo dowladda Itoobiya ay la kulantay.
Hadalka Jawar ayaa yimid kadib markii madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, uu is-casilay Isniintii, wax yar kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen magaalada Baydhabo.
Lafta-gareen, oo muddo dheer loo arkayay siyaasi si dhow ula jaanqaadi jiray Itoobiya, ayaa sidaas ku baneeyay xilka, taasoo noqotay dib u dhac weyn oo ku yimid saameyntii Addis Ababa ay ku lahayd maamulkaas.
Bayaan uu Talaadadii soo saaray, Jawar wuxuu ku dooday in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay si xeeladaysan uga adkaatay Lafta-gareen, isla markaana ay meesha ka saartay fikirkii ahaa in Itoobiya weli awood u leedahay inay difaacdo xulafadeeda gudaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Lafta-gareen uu maalmo ka hor intaan xaaladdu is-beddelin u safray Addis Ababa si uu ula tashado Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isla markaana uu dib ugu laabtay Baydhaba isagoo wata kalsooni iyo ballanqaadyo.
Si kastaba, Jawar wuxuu xusay in ballanqaadyadaasi aysan waxba ka beddelin xaaladda, maadaama ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa magaalada aysan awoodin inay badbaadiyaan, sidaasna ay ku lumisay gacan ku hayntii ay muddo labaatan sano ah ku lahayd magaaladaas istiraatiijiga ah, isla markaana booskeeda ay si isa soo taraysa u buuxin karaan Masar iyo Turkiga.
Dhamaan dhacdooyinkan ayaa muujinaya sida xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu isku beddelay, iyadoo iskaashiga labada dal uu muhiim u yahay nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha, halka mucaaradka ay sii wadaan dhaliilaha ku saabsan guuldarrada diblomaasadeed ee Addis Ababa.