Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamo horleh oo ka tirsan dowladda la geeyay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidamadan oo laga qaaday Muqdisho ayaa la sheegay inay xoojinayaan kuwii dhawaan howlgalka ku qabsaday magaalada Baydhaba oo laga saaray madaxweyne Lafta-gareen, waxaana si buuxda ula wareegtay dowladda dhexe.
Sidoo kale, ciidamadan ayaa loogu talagalay inay xoojiyaan ammaanka guud ee magaalada, maadaama uu ku wajahan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira u kuurgalidda xaaladda magaaladaasi, maadaama uu dhacay isbeddel wayn, uuna guuleystay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu la kulmi doono siyaasiinta garabkiisa ah ee kasoo jeedo deegaannada maamulkaas iyo qaybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono marxaladda kala guurka ah ee maamulka iyo sidii looga shaqeyn lahaa doorasho qof iyo cod ah.
Baydhaba hadda waxaa ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo kulamo gaar gaar ah ka wada magaaladaasi, isaga oo xalay madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii guuleystay ee magaalada looga saaray madaxweyne Lafta-gareen.
Si kastaba, Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana Baydhaba si buuxda gacanta ugu haya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laba maalin ka hor howlgal milatari ka fuliyay magaaladaas oo ah xarunta gobolka Baay.