DF Soomaaliya oo Talis cusub u magacowday gobolka Baay

DF Soomaaliya oo Talis cusub u magacowday gobolka Baay
March 22, 2026

LATEST NEWS

DF Soomaaliya oo Talis cusub u magacowday gobolka Baay

Baydhaba (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cabdullahi Cismaan (Diyaano) oo wareegto soo saaray ayaa maanta Talis cusub u magacaabay Gobolka Baay, xilli ay haatan taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay wareegtada soo baxday waxaa taliyaha cusub ee qaybta guud ee Booliska Gobolka Baay loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) oo horay usoo noqday taliyaha laanta C.I.D-da.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo muhiimad siinaaya sugida amniga Gobolka Baay  ayaa u magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Gaashaanle Dhexe. Sadiiq Aadan Cali (Duudishe)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa taliyaha cusub ee saldhigga Booliska Degmada Baydhaba isna loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-Gaabeey), iyadoo taliyeyaasha la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lasii raaciyay “Magacaabistaan ayaa ku soo aaday xili xaalado amni daro ka taagan tahay gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxaana laga dhowrayaa dib u habeynta Booliska Gobolka Baay”.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolkan taliye u maacaabay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in xilkii ay ka qaaday taliyihii hore oo iska diiday markii looga yeeray Muqdisho.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba, taas oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo ka dhacay qaybo badan oo kamid ah Gobolka Baay.

Arimahan ayaa sidoo kale muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Somalia’s Electoral Dilemma: Between Two Imperfect Choices

DF oo xaqiijisay jiritaanka heshiis saddex geesood ah oo kala dhaxeeya dalalka...

Somalia, Saudi Arabia ties enter new strategic phase

WardheerNews

Secretive deal leaves deportees from the US stuck in Equatorial Guinea with ‘no more hope’

Dynamic Country URL Go to Country Info Page