Koonfur Galbeed oo qaadacday dastuurka cusub ee la ansixiyay

Koonfur Galbeed oo qaadacday dastuurka cusub ee la ansixiyay
March 18, 2026

LATEST NEWS

Koonfur Galbeed oo qaadacday dastuurka cusub ee la ansixiyay

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa si kulul uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda Soomaaliya.

Laftagareen ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in Koonfur Galbeed ay gebi ahaanba qaadacday dastuurka cusub ee uu meelmariyay Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in ay aqoonsan yihiin oo keliya dastuurkii 2012-kii.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeyneysaa in dastuurka KMG ka ah ee la ansixiyay sanadkii 2012-kii uu yahay midka sharciga ah ee ay Soomaali ku heshiishay, laguna dhaqmaayo. Waxaan diidanahay oo aanan ogoleyn dastuurka cusub waa mid aan loo dhammeyn oo lagu meelmarsaday habraac khaldan iyo musuq-maasuq”. ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Maadaama ay dadka Soomaaliyeed kusii kala tegayaan qaybna kama nihin mana ku jirno, waana ka dignay waxayna arrintan qayb ka tahay waxa ugu wayn ee ay noogu socdaan dagaallada”.

Dhinaca kale, wuxuu dowladda dhexe ee Federaalka ku eedeeyay in ay kala furfur ku heyso Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay burburineyso nidaamka Federaalka ee dalka, isaga oo xusay in dagaalladii ka dhacay gobolka Baay ay ka dambeeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Muqdisho.

“DFS waxay maalmihii iyo bilihii aanu soo dhaafnay ku howlaneyd sidii dowladda Koonfur Galbeed ay u furfuri lahayd shacabkeedana isaga horkeeni lahayd nidaamka Federaalka iyo dowladnimada loo baabi’in lahaa” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay isku ajende noqdeen Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab, isla markaana ay taasi caddeyn u tahay hub uu tilmaamay in lasoo dhex-marsiiyay Khawaarijta kadibna la geeyay degmada Buurhakaba oo ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.

Waxaa kale oo uu farriin u diray beesha caalamka oo uu u sheegay in dalkii la kala qaybinayo, wuxuuna ka codsaday in waxa ay bixinayaan iyo kaalmadooda ay si gooni ah usoo gaarsiiyaan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn wuxuu adkeeyay go’aanka ay xiriirka ugu jareen xukuumadda Muqdisho, isaga oo yiri “Annaga waxaa go’aansanay Dowladda Koonfur Galbeed laga bilaabo shalay oo horay loo sheegay iyo maantaba in aan DFS xiriirka u jarnay wax ay noogu timaadana uu dulmi yahay adduunkana waa u sheegeynaa dadka Soomaaliyeedna waa u sheegeynaa, mana noo imaan karaan, mana na arki karaan illaa waxa ay ku jiraan ay wax ka beddelaan”.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Ethiopian Coffee Association issues urgent alert as global prices fall, warns of ‘severe financial risk’ from hoarding

Xamas oo Mojtaba Khamenei u dirtay codsi ku saabsan weerarada dalalka Carabta

Hogaamiyaha Iiraan Mojtaba Khamenei oo kasoo jawaabay codsi ay u direen laba dal

WardheerNews

Somalia’s South West state says it has severed ties with the federal government

Dynamic Country URL Go to Country Info Page