Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay sheegashada Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ahayd in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inuu joojiyo olole taageero loogu ururinayay, si guri loogu dhiso.
Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdicasiis Golfyare, ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Farmaajo mid “ka fog xaqiiqada,” isaga oo meesha ka saaray inuu jiro wax wadahadal ah oo dhex maray labada mas’uul oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay in ay shacabka u dhiseen.
Murankan ayaa soo shaac-baxay kadib markii Madaxweynihii hore, Farmaajo, uu shalay sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu lasoo xiriiray, kana codsaday inuu hakiyo ololaha “Mahadsanid Madaxweyne”, isaga oo ku dooday in mashruucaasi uu “dareenkii shacabka ka qaatay dowladdii cusbeyd.”
Hase yeeshee, Villa Somalia ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay beenisay eedeyntaas.
“Ma jiro wadahadal dhex maray Madaxweynaha JFS iyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay,” ayuu yiri Afhayeen Golfyare.
Waxa uu intaas ku daray in xilliga uu Farmaajo sheeganayo, Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mashquulsanaa arrimo masiiri ah sida “dagaalka lagula jiro Khawaarijta (Al-Shabaab), dadaallada deyn cafinta, iyo qaadista cuna-qabataynta hubka.”
Villa Somalia ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore, iyadoo ku eedeysay inuu raadinayo “hadal-hayn warbaahineed” oo aan xaqiiqo ku dhisnayn.
Hadalladan la is-dhaafsaday ayaa imanaya xilli shalay xarigga laga jaray guri laga dhisay deegaanka taariikhiga ah ee Ceeljaalle, degmada Marka, kaas oo ay taageerayaasha Farmaajo ugu dhiseen hadiyad ahaan, sida la sheegay.
Sida uu sheegay xafiiska Madaxweynihii hore, dhismaha guriga oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” ayaa ku kacay lacag dhan $295,000, iyadoo wadarta guud ee ay shacabku iska ururiyeen ay gaartay $300,000.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaleeceysay soo bandhigista gurigan xilligan, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo aan ka turjumayn mas’uuliyadda hoggaamineed.
“Waa ayaan-darro in la soo bandhigo guri ay ku kacday $300,000 xilli dadka Soomaaliyeed ay la daalaa-dhacayaan abaaro iyo duruufo adag,” ayaa lagu yiri bayaanka afhayeenka Villa Somalia.
Dhankiisa, Farmaajo oo u mahadcelinayay dadkii ka qeyb-qaatay dhismaha ayaa sheegay in ololahani uu astaan u yahay in “dowladnimadu ay tahay hanti ay wada leeyihiin muwaadiniintu.”