Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashada maanta ka dhacday Muqdisho

Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashada maanta ka dhacday Muqdisho
February 4, 2026

LATEST NEWS

Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashada maanta ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay hannaanka doorashada oo ku tilmaamay mid si hufan u qabsoomtay, isaga oo muujiyay in tani ay astaan u tahay horumar laga sameeyay dhismaha hay’adaha madaxa-bannaan ee qaranka.

Hoggaanka cusub ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa kala ah Guddoomiyaha cusub Marwo Maryan Qaasim Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxamed Haaruun, iyo Xoghayaha Guddiga Marwo Faadumo Cabdiqani Yuusuf.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada hoggaanka la doortay ay door weyn ka qaadan doonaan xaqiijinta himilada Soomaaliya ee la xiriirta dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in guddigan uu yahay tiir muhiim u ah kor u qaadista caddaaladda, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka in ay xoogga saaraan horumarinta nidaamyada ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla markaana ay si madaxbannaan u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Doorashada hoggaanka cusub ee guddigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta doorka Soomaaliya ee ilaalinta xuquuqul insaanka, xilli dalku dib ula soo wareegay maamul buuxa oo madaxa-bannaan.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya u sahlaysa in ay si madax-bannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalami ah ee ku aaddan dhowrista, kormeerka, iyo ka warbixinta arrimaha xuquuqda aadanaha.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

DF oo ku adkeysaneysa arrin fashil u horseedi karta wada-hadallada Golaha Mustaqbalka

DF Soomaaliya oo soo saartay baaq qaran oo ku socda beesha caalamka iyo…

WardheerNews

Thirst Is a Choice: Why Somalia’s Drought is a Crisis of Leadership, Not Nature

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay heshiisyo muhiim ah + Sawirro

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay heshiisyo muhiim ah + Sawirro

Dynamic Country URL Go to Country Info Page