Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday bannaanka degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii halkaasi si arxan darro ah loogu dilay nin odey ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kadibna la gubay.
Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo koox rag ah oo ulo ku garaacaya marxuumka, kadibna dilaya, iyaga oo ugu dambeyn dab qabadsiiyay, sida laga dheehan karo muuqaalka oo ku baahay baraha bulshada, dadkuna ay ka xumaadeen.
Guddoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay warbaaahinta ayaa xaqiijiyay inay jirto dhacdadan oo si gaar ah uga dhacday tuulada Dadumaay oo hoostagta degmadaasi, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin laga naxo.
Cabdulqaadir Maxamed ayaa inay arkeen muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada, kadibna ay qaadeen howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkaasi.
“Waa arrin ka dhacday tuulo hoos timaada Wanlaweyn oo lagu magacaabo Dudumaay waa arrin murugadeeda leh oo aan aad uga xunahay geeri naxdin leh oo wax lagu sifeeyo aysan jirinka shacab ahaan iyo maamulkana waxaan ka direynaa tacsi tiiraanyo leh” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wanlaweyn oo ka warbixiyay dhacdadaasi.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Muuqaallada sida ay bulshada u aragtay ayaan u aragnay waa arrin aad noo taabatay damiirka bani’aanimadana wax ogol ma’aha”.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in lasoo qabtay qaar kamid ah eedeysanayaasha, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda, si loo qaado tallaabo sharci ah.
“Xubno qayb ah ayaa gacanta lagu soo dhigay baaris ayaa ku socoto, haddii ay soo dhammaato baarista waxaan la wadaagi doonaa Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxaan u gudbin doonaa hay’adaha cadaalada ee ku shaqada leh” ayuu mar kale yiri.
Falkan argagaxa leh ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan aagga Wanlaweyn oo ay marar badan kusoo laa laabteen dagaal beeleedyada.