Daawo: Dowlada oo Abaabul xoogleh ka wado Shabeellaha Hoose

Daawo: Dowlada oo Abaabul xoogleh ka wado Shabeellaha Hoose
November 4, 2025

LATEST NEWS

Daawo: Dowlada oo Abaabul xoogleh ka wado Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan sii laba jibaartay abaabulka xooggan ee ay ka waddo gobolka Shabeellaha Hoose oo ay howlgalo xoreyn ah ka wadaan ciidamada Xoogga dalka oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah.

Abaabulkan ayaa waxaa horkacayo taliyaha ciidanka dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) oo maanta tegay furimaha hore ee dagaalka, si uu dhiirogeliyo geesiyaasha ciidanka Xoogga ee halkaas kula dagaalamaya Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa booqday deegaannada la xoreeyay, sida  Bariire, Sabiid iyo Caanoole oo ay haatan si buuxda u maamulayaan ciidanka dowladda.

Sidoo kale waxa uu kormeeray buundooyinka saddexdaasi deeggaan oo haatan dhismayaal ay ku socdaan, kadib markii ay burburiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sahal ayaa sidoo kale wada kulamo uu la qaadanayo ciidamada iyo saraakiishooda, isaga oo kala hadlayo xoojinta difaacyadooda iyo in ay sii laba jibaaraan dagaalka Al-Shabaab.

Howlgallo kuwaan lamid ah ayaa sidoo kale ka socda aagga degmada Awdheegle iyo deegaannada ku hareereysan oo dhawaan lagala wareegay kooxaha Khawaarijta.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada ay ka fuliso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si kastaba, Dowladda Federaalka oo ka gaashaaman dhagarta Al-Shabaab ayaa haatan sii xoojisay howlgallada socda, waxayna sidoo kale ciidamo dheeraad ah dhigtay daafaha caasimada, si ay uga hortagaan in lasoo galiyo qaraxyo iyo waxyaabo liddi ku ah amniga.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

The Invisible Walls of Scandinavia: Equality in Theory, Exclusion in Practice

Xamza iyo Muungaab oo maanta qaaday tallaabo ka farxisay reer Muqdisho + Sawirro

Xamza iyo Muungaab oo maanta qaaday tallaabo ka farxisay reer Muqdisho + Sawirro

WardheerNews

Tanzania opposition rejects election results as ‘open coup,’ refuses to recognize president

Dynamic Country URL Go to Country Info Page