Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Buulo-xuubeey.
Waddadan oo si weyn loogu baahnaa ayaa waxa la shesgay in dhismaheeda uu abuuri doono fursado shaqo iyo ganacsi, iyadoo kor u qaadaysa bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.
“Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga,” yuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adegyada bulshada, ayaa faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.
Dhamaan kharashka ku baxaya dhismaha waddadan ayaa waxaa bixineysa Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo shirkadda dhismaha loo wareejiyay raatada koowaad ee qarashka.
Duqa Muqdisho ayaa goobta ka sheegay in waddadan loo dhisi doono si ka duwan qaabkii hore, oo aysan biyo fariisan doonin isla markaana burburka soo noqnoqda ee hore ka dhacay aan la arki doonin.
Waxa uu tilmaamay in la diyaariyay qorshe ka hortagaya in waddada biyaha ku ururaan, iyadoo la dhisi doono biyo-mareenno, si dadka ku nool hareeraha waddada aysan biyaha ugu laaban.
Sidoo kale, Duqa ayaa shaaca ka qaaday in waddooyin badan la dhameystiray, qaarna hadda socdaan, dhawaanna la qorsheynayo in la gudbiyo jidka warshadaha, soddanka, iyo waddooyinka kale ee muhiimka ah.
Dowladda Hoose ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in waddooyinka magaalada lagu dhiso qaab waara oo horumarineed, laguna fududeeyo isu socodka bulshada iyo ganacsiga.