20 qof ka badan oo ku sumoobay degmada…

20 qof ka badan oo ku sumoobay degmada...
November 2, 2025

LATEST NEWS

20 qof ka badan oo ku sumoobay degmada…

Jigjiga (Caasimada Online) – In ka badan 20 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii ay cuneen cunto la rumeysan yahay in ay sumeysan tahay.

Wararka ka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in dadkaasi oo ahaa shaqaale ka howl-galayey qodista berkad halkaasi ku taalla ay cuneen raashin ay ku karsadeen goobtaasi, kaasi oo la rumeysan yahay inay ku sumoobeen.

Cabdiraxmaan Jamaal Cabdi, Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ayaa sheegay in dadkaasi ay cunayeen bariis lagu daray caano, balse wali aan la xaqiijin sababta rasmiga ah ee sumowga, maadaama la tuhunsan yahay in caanaha ay ahaayeen kuwa wasakhaysan ama xumaaday.

“Wixii ugu dambeeyay ee ay cunaan waxay ahayd bariiskaas caanaha lagu daray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo BBC la hadlay, isagoo intaas ku daray in laba qof xaaladooda caafimaad ay yihiin kuwo halis ah.

Dadka kale ee sumoobay ayaa loo qaaday xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Xarshin, halka kuwa xaaladooda ay ka sii dartay loo gudbiyay isbitaalka weyn ee Baligubadle, oo ku dhow xuduudda Somaliland.

Madaxda caafimaadka Xarshin ayaa tilmaamay in tani ay tahay dhacdo aan horey uga dhicin deegaanka, inkastoo horey loo arkay kiisaska qoysas caano ama hilib sumeysan cunay. “Laakiin in dad badan oo meelo kala duwan iskaga yimid hal mar u wada sumoobaan, waa arrin cusub,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Dhammaan dadka sumoobay marka laga reebo labada qof ee xaaladoodu liidato waxaa laga saaray cisbitaalka, iyadoo lagu amray in aanay magaalada ka bixin ilaa baaritaannada caafimaad la soo gaba-gabeynayo.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa bilaabay olole wacyigelin ah oo lagu barayo dadka deegaanka sida ay uga fogaan karaan cabitaanka caanaha aan si nadiif ah loo keydin iyo karinta cuntada si badbaado leh.

Dhacdadan ayaa cabsi iyo argagax ku reebtay dadka deegaanka, iyadoo dadka sumoobay ay markii hore la kulmeen calool xanuun iyo matag, balse intooda badan hadda ay si tartiib ah u soo kabanayaan.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

NISA oo fulisay howlgal culus oo lala beegsaday Al-Shabaab + Khasaaraha

NISA oo fulisay howlgal culus oo lala beegsaday Al-Shabaab + Khasaaraha

WardheerNews

Somalia’s eVisa Fiasco: Bureaucracy Without Legitimacy

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii tareenka ee UK?

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii tareenka ee UK?

Dynamic Country URL Go to Country Info Page