DENI oo ‘lagula xisaabtamayo qaybtiisa’ dagaalka Sudan

DENI oo 'lagula xisaabtamayo qaybtiisa' dagaalka Sudan
November 2, 2025

LATEST NEWS

DENI oo ‘lagula xisaabtamayo qaybtiisa’ dagaalka Sudan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa si ada uga hadlay arrinta calooshood u shaqeystayaal Colombia-yaan ah ee laga soo dajiyo garoonka magaalada Boosaaso, kuwaas oo lool loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.

Sheekh Cali Wajiis ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Den, wuxuuna sheegay in caalamka uu kula xisaabtami doono qaybtiisa dagaalka Sudan, sida uu hadalka u dhigay.

“Meeshaas waxaa maamulo nin la yiraahdo Saciid Deni isaga ayaana caalamka kula xisaabtami doonaa waxa ka dhacaayo Sudan qaybtiisa ayuu ka qaadanayaa haddii uu usan joojin dhaqamadaas oo kale” ayuu wareysiga ku yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jirto dowlad Carbeed oo ku lug leh arrintaas, isla markaana uu soo dhaweeyay Saciid Deni.

“Dowlad Carbeed oo la tuhunsan yahay inay arrintaas lug ku leedahay oo isagu meesha kusoo dhaweeyay ayaana jirta oo shaqeysata magaceeda inaan sheego ma rabo” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Sudan waxay ku jirtaa dalalka noogu qiimaha badan caalamka oo weliba abaal wayn lagu leh, waligoodna na garab taagnaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay soo baxeen warbixinno iyo caddeymo cusub, oo ay ku jiraan muuqaallo,oo muujinaya in Isutagga Imaaraadka Carabta uu xarun hub ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Puntland.

Warbixintu waxay sheegtay in Imaaraadka uu xaruntan u adeegsado goob si qarsoodi ah looga sii gudbiyo hub, saanad culus, iyo calooshood-u-shaqaystayaal loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.

Baaritaan ay samaysay warbaahinta Middle East Eye oo soo xiganaya ilo maxalli ah, xogta duulimaadyada, iyo sawirro dayax-gacmeed, ayaa faahfaahiyay hab taxane ah oo hawlgallo qarsoodi ah loo fuliyay.

Eedeymahan ayaa soo baxaya xilli ay ciidanka RSF wajahayaan eedeymo cusub oo ku saabsan gabood-fallo baahsan. Ciidankan ayaa toddobaadkan qabsaday El-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, kaddib go’doomin socotay 18 bilood.

Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka Sudan wuxuu abuuray dhibaatadii barakaca ee ugu weyneyd adduunka, wuxuuna horseeday in dowladda Mareykanku ay si rasmi ah u go’aamiso in ciidanka RSF ay galeen xasuuq.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Somalia’s eVisa Fiasco: Bureaucracy Without Legitimacy

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii tareenka ee UK?

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii tareenka ee UK?

WardheerNews

Men shot by the hundreds, disappeared after Sudanese city falls to paramilitaries, witnesses say

Dynamic Country URL Go to Country Info Page