Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa si kulul u cambaareysay mowqifka cusub ee Itoobiya ka qaadatay arrimaha Badda Cas.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamane Gabremesqal ayaa dhaleeceeyay hadalladii uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed jeediyay Talaadadii oo uu kaga hadlay muhiimadda ay badda iyo marin-biyoodka Asab u leeyihiin Itoobiya.
Gabremesqal ayaa sheegay in fikradda xisbiga Prosperity Party ee ku saabsan magaalada Asab ay noqotay mid sii fogaanaysa, isla markaana dad badan ay hadda la yaab ku noqotay riyadaas aan dhabta ku salaysnayn.
Magaalada Asab ee Eritrea ayaa dadka ku nool ay aad uga yar yihiin marka loo barbardhigo magaalooyinka Itoobiya oo dadweyneheedu aad u fara badan yahay.
Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku xusay in hadalladii Abiy ee uu ka jeediyay baarlamaanka ay u muuqdaan kuwo muujinaya laba waji, in Itoobiya diyaar u tahay gorgortan haddii wada-hadal la suurtagelin karo, balse haddii kale ay u aragto xal ciidan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa safar shaqo oo shan maalmood ah ku tagay dalka Masar, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona sii wanaajinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee muhiimka u ah labada dal.
Afwerki iyo wafdigiisa oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda, Cismaan Saalax ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona maalinta Sabtida munaasabadda furitaanka madxafka weyn ee Masar.
Safarka Isaias ayaa imanaya, xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa dalkiisa iyo Itoobiya. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa talaadadii farriin adag u diray Eritrea, isagoo markaas ugu baaqay Asmara in aysan noqonin wax uu ku sheegay “xabbad-gudbiyayaal” ee ay noqdaan dal.
Sidoo kale waxa uu ku dooday in “aysan jirin diiwaan rasmi ah ama go’aan hay’adeed” oo caddaynaya sida Ethiopia ay ku weyday marin-badeedkeedii. Wuxuu ku tilmaamay xaaladda dalka ee ah in uusan bad lahayn “arrin masiiri ah” oo ay waajib tahay in si nabad ah lagu xalliyo.
“Haddii uusan shacabku ogayn, uusan baarlamaankuna ogayn… haddaba, waa kuma cidda go’aanka qaadatay?” ayuu Abiy is-weydiiyay. “Ma heli karno hal dukumeenti oo qura oo ku saabsan arrintan.”
Ethiopia waxay noqotay waddan aan bad lahayn sanadkii 1993-kii markii ay Eritrea xornimadeeda qaadatay kaddib dagaal 30 sano socday iyo afti ay kormeertay Qaramada Midoobay, sida ku cad diiwaannada taariikhiga ah.
Lumitaanka marin-badeedka ayaa dalka ka reebay xeebtiisii hore, oo ay ku jiraan dekedaha muhiimka ah ee Massawa iyo Asab.
Xukuumadda Abiy ayaa dhowaan xoojisay dadaalladeeda ay ku doonayso helitaanka deked, taasoo sare u qaadday xiisadaha gobolka.
Si kastaba, booqashada Madaxweyne Afwerki ee Qaahira ayaa loo arkaa calaamad muujinaysa xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Asmara iyo Qaahira, xilli isbeddelo waaweyn ay ka socdaan Badda Cas iyo Bariga Afrika.
 
								 
															 
															 
															 
															