Balanballe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dhacdo kale argagax leh ay maanta ka dhacday gobolkaasi, kadib markii si arxan darro ah aano qabiil darteed loogu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay.
Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan hoostaga degmada Balanballe, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo wiilkiisa Baashi Cabdullahi Maxamed, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Labi Kooraale ee gobolka Galgaduud.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in maleeshiyaadka dilka gaystay oo haatan la baadi goobayo ay kasoo jeedaan dhanka degmada Balanballe, kuwaas oo wiilka iyo Aabihiisa u dilay aargoosi aano qabiil ah.
Dilkan ayaa sidoo kale dhaliyay xiisad xoogan oo ka taagan deegaanka, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo madaxda sare ee Galmudug.
Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale loo laayay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, iyada oo loo beegsaday aano qabiil oo ka taagan gobolka Galgaduud.
Allaha u naxariistee marxuumiintaas ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdeeda gabdhood oo kala ah Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud & Faa’iso Axmed Maxamuud, iyadoo falkan ay ka argagaxeen shacabka.
Si kastaba, Galgaduud ayaa waxaa ku badan dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, mana jiro illaa iyo hadda tallaabo wax looga qabanayo oo ay qaaday Galmudug.