Muqdisho (Caasimada Online) – Isbeddel maamul ayaa caawa lagu sameeyay Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Villa Soomaaliya, sida ay shaacisay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada looga qaaday Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), oo xilkaas hayay muddo ku dhow sanad.
Xilka Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), oo ah suxufi sare oo si weyn uga dhex muuqday saxaafadda Soomaaliya.
Cabdicasiis Golfyare ayaa xilka kala wareegi doona Maxamed Dugoow, oo horraantii sanadkan loo magacaabay xilka Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Dugoow ayaa markaas kusoo baxay isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay Agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, iyadoo uu markaas ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada oo laga soo beddelay.
Isbeddelkan cusub ayaa imanaya xilli xasaasi ah oo isbeddelo dhowr ah ay ka dhaceen xafiiskan, iyadoo muddo kooban ay soo mareen agaasimayaal dhowr ah, kuwaas oo qaarkood ay xilka hayeen muddo ku siman laba bilood.
Sidoo kalena wuxuu qayb ka noqonayaa dadaallada lagu xoojinayo hab-maamulka iyo hufnaanta warfaafinta ee Madaxtooyada, waxaana la filayaa in agaasimaha cusub uu dardar geliyo howlaha la xiriira warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Villa Soomaaliya.