Kismaayo (Caasimada Online ) – Magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta natiijo la’aan kusoo dhammaaday wada-haddallo foolka fool ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wada-hadalladan oo soo bilowday shalay ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo ay Villa Soomaaliya soo saartay, lagana dhowray magaca Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu sii socon doonaan, laguna ballamay fadhi kale, si looga xal looga gaaro khilaafka taagan.
“Wadahadalladii soo socday waxaa laga sameeyay horumar, iyada oo lagu ballamay wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskuugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi u socodka wadahadalka” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Villa Soomaaliya.
Madaxtooyadu ma shaacin hal qodob oo la’isku raacay, marka laga tego in ay sheegtay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii shalay iyo maanta, laakiin waxaa xusid mudan in labada dhinac uu mid kasta ku adkeystay mowqofkiisa, taas oo keentay in la’isku mari waayay kulamadii qabsoomay.
Jubbaland ayaa dhankeeda qoraal lamid ah midka Villa Soomaaliya soo saartay, kaas oo laga ilaaliyay magaca Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in khilaafka lagu dhameeyo wada-hadal.
“Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro” ayaa lagu yiri qoraalka.
Haddaba ayaa faa’iido qaba Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe?
Falanqeyeyaasha ayaa rumeysan in mar kasta oo ay dib u dhacdo natiijada ay fursad wayn siineyso Axmed Madoobe, maadaama inta lagu jiro xeyndaabka wada-hadalka ay Dawladda Federaalka ka daaheysa ama uu kahor istaagayo inay u dhaqaaqdo arrinta gobolka Gedo iyo dhismaha Jubbaland cusub.
Xasan Sheekh ayaa kahor inta aanu aadin Kismaayo qorshihiisa wuxuu ahaa in maamul uu ka garab dhiso Axmed Madoobe, laakiin waxaa qorshahaas kasoo hormaray ballanka cusub ee ku aadan in wada-hadallada sii socon doonaan oo fadhiyo ay geli doonaan labada dhinac.
Sidoo kale, arrintan ayaa hubanti la’aan sii galiyay rajadii reer Gedo oo dawladda ka filayay inay si buuxda u garab istaagto, maadaama gobolkaas intiisa badan uu ka haray Gedo.
Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa yimid, xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.
Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan dadaal ugu jira inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imaanaysa gudaha caasimadda iyo maamulada qaarkood.