Tarxiilkii ugu horreeyey ee Soomaalida Switzerland oo…

Tarxiilkii ugu horreeyey ee Soomaalida Switzerland oo...
November 1, 2025

LATEST NEWS

Tarxiilkii ugu horreeyey ee Soomaalida Switzerland oo…

Geneva (Caasimada Online) — Dowladda Switzerland ayaa isu diyaarinaysa inay muwaadiniin Soomaali ah u masaafuriso magaalada Muqdisho, iyadoo adeegsanaysa diyaarad khaas ah oo qarsoodi ah, inkastoo aysan ogolaansho rasmi ah ka haysan dowladda Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska toddobaadlaha ah ee WOZ ee ka soo baxa dalkaas.

Qoraal qarsoodi ah oo laga helay Hay’adda Arrimaha Socdaalka (SEM), oo loo diray mas’uuliyiinta Zurich 11-kii Ogosto, ayaa ku boorriyay in la joojiyo masaafurinta lagu sameeyo duulimaadyada caadiga ah, ayna “isku dayaan duulimaad khaas ah marka hal ama laba qof oo kale ay diidaan” inay si ikhtiyaari ah u laabtaan.

Haddii ay tani hirgasho, waxay noqonaysaa celintii ugu horreysay ee qasab ah oo ay Switzerland ku samayso Soomaaliya tan iyo 1996-kii. Xilligaas, laba sarkaal oo ka tirsan booliska Zurich oo galbinayay qof la masaafurinayay ayaa lagu xiray Muqdisho, kaddib markii ay soo degeen iyagoon wargelin hore samayn. Waxaa la sii daayay oo kaliya markii ay Switzerland bixisay 20,000 oo Faranka Swiss-ka ah, ayna dib u celisay qofkii la tarxiilayay.

Dhacdadaasi waxay saamayn ku yeelatay siyaasadda celinta ee dalkaas muddo tobannaan sano ah. Laga soo bilaabo 1996-kii ilaa 2025-ka, 46 qof oo kaliya ayaa la celiyay, kuwaas oo lagu qaaday diyaarado ganacsi oo ay oggolaatay Soomaaliya, waxaana ku jiray laba qof oo la celiyay bishii Sebtembar.

Qorshahan ayaa la wadaa inkastoo ay jirto ammaan-darro joogto ah oo ka jirta Soomaaliya, halkaasoo Al-Shabaab ay maamulaan dhul ballaaran, weerarraduna ay yihiin kuwo soo noqnoqda. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Switzerland waxay ka digtay in loo safro dalka. Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in celinta qasabka ah ay jebinayso sharciga caalamiga ah.

Warbixinta wargeyska WOZ waxay muujinaysaa in Switzerland ay xoojisay dadaallada ay kula xiriirayso mas’uuliyiinta Soomaaliya. Wafdi Swiss ah ayaa la kulmay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya (ICA) bishii Abriil 2024; Muqdisho waxaa lagu tilmaamay mid “u jilicsan celinta aan ikhtiyaariga ahayn,” waxayna ballanqaadday “Siyaasad ku saabsan celinta” sannadka 2025.

Bishii Febraayo 2025, Switzerland waxay Gisela Schluep u magacowday sarkaal ku sugan Nairobi oo qaabilsan socdaalka Soomaaliya iyo Eritrea. Intii ay xilka haysay, Bern waxay bishii Luulyo martigelisay wafdi lix xubnood ka kooban oo Soomaali ah, waxay bixisay qalabka lagu hubiyo sax ahaanshaha dokumiintiyada, waxayna saxiixday heshiis iskaashi farsamo. Waxaa taas ku xigay tababar 10 maalmood socday oo ku saabsan amniga internetka (cybersecurity) oo bishii Sebtembar lagu qabtay Muqdisho.

Tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya istaraatiijiyadda Switzerland ee ay ku xoojinayso dadaalladeeda masaafurinta, iyadoo taageeraysa kaabeyaasha socdaalka iyo kontoroolka xuduudaha. Hase yeeshee, is-hortaag dadweyne iyo mid siyaasadeed oo ka jira gudaha Soomaaliya ayaa weli ah mid xooggan. Warbaahinta madaxa bannaan ayaa tabisay in wasiirka amniga uu diiday qaabilaadda dad laga soo masaafuriyay Finland iyo Switzerland, isagoo sabab uga dhigay walaac dhinaca amniga ah.

Muran ayaa sidoo kale ka taagan sida ballaaran ee ay Yurub gargaarka ugu adeegsato xaqiijinta masaafurinta. Warbaahinta Sweden ayaa tabisay in Wasiirka Socdaalka, Johan Forssell, uu oggolaaday lacag qarsoodi ah oo dhan 5 milyan oo karoon (qiyaastii $517,000) oo la siiyo Soomaaliya, iyadoo la soo marsiiyay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), si loo fududeeyo celinta. Lacagtan ayaa ka baxsanayd miisaaniyadda gargaarka rasmiga ah ee Sweden.

Idaacadda Ekot ayaa hore u faahfaahisay heshiis 10 milyan oo doollar ah oo la gaaray Diseembar 2023, kaasoo lacago loogu weeciyay barnaamij la xiriira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Khilaafka ka dhashay arrintaas wuxuu sababay in madaxii gargaarka Sweden la eryo bishii Maajo 2025, ka hor inta aan lacagta la soo marsiiyin Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) aysanna dib u bilaaban masaafurintii. Markii la gaaray Ogosto 2025, Sweden waxay masaafurisay siddeed muwaadin oo Soomaali ah, waxayna diiwaangelisay 15 kale si loo celiyo, iyadoo la raacayo sharciyo adag oo xagga socdaalka ah.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa dafiray in wax khalad ah la sameeyay, waxayna sheegeen in iskaashigu uu maro waddooyin rasmi ah oo dhinacyo badan leh.

Dalka Switzerland gudihiisa, mas’uuliyiintu waxay ku doodayaan in dadka la masaafurinayo ay yihiin dembiilayaal hore loo xukumay ama shakhsiyaad rabshado wata. Ururka xuquuqda aadanaha ee Augenauf wuxuu arrintaas ku tilmaamay “borobogaando,” isagoo sheegay in dadka intooda badan ay yihiin kuwo muddo dheer deggenaa dalkaas oo aan lahayn wax khatar amni ah. Wuxuuna xusay in duuliye ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines uu bishii Luulyo 2025 diiday inuu qaado qof la tarxiilayay.

Wargeyska WOZ wuxuu kaloo ogaaday in Wasaaradda Caddaaladdu ay bixisay dokumiintiyo safar (laissez-passer) oo u gaar ah—kuwaasoo sida caadiga ah uu bixiyo dalka dadka qaabilaya—si ay u suurtagasho masaafurintu. Khubarada sharciga ayaa sheegay inaysan weligood arag arrintan oo kale. Tirakoobka SEM wuxuu muujinayaa in 61 muwaadin oo Soomaali ah ay hadda wajahayaan amarro masaafurin ah.

Hay’adda ICA ee Soomaaliya waxay bishii Luulyo 2025 heshiis iskaashi la saxiixatay Switzerland si loo xoojiyo maamulka xuduudaha iyo xaqiijinta aqoonsiga, laakiin Muqdisho si fagaare ah uma shaacin inay oggoshahay celinta qasabka ah.

Qoraalka sirta ee SEM wuxuu qirayaa in mawduucan uu yahay “mid aad xasaasi u ah gudaha Soomaaliya,” haddana wuxuu farayaa in la sii wado diyaar garowga diyaaradda khaaska ah marka la diiwaangeliyo diidmooyin dheeri ah. Tallaabadaasoo tusaale u noqon karta masaafurinta loo geysto dalalka aan bixinaynin iskaashi, waxayna kicin kartaa xiisad diblomaasiyadeed.

Share this post:

POLL

Who Will Vote For?

Other

Republican

Democrat

RECENT NEWS

WardheerNews

Tanzanian president wins disputed election with more than 97% of the vote

DENI oo 'lagula xisaabtamayo qaybtiisa' dagaalka Sudan

DENI oo ‘lagula xisaabtamayo qaybtiisa’ dagaalka Sudan

WardheerNews

When Chaos Persists: The Paradox of the Two Somali Unities

Dynamic Country URL Go to Country Info Page